Ninka Adduunka Ugu Maalqabeensan Oo Markii 16-aad Noday Bill Gates Iyo Shakhsiyaadka Tujaarta ah ee Kusoo Xiga
New York:March,03,2015(SDN/QJ)-Waxa Markii 16-aad Caalamka looga Aqoonsaday Mulkiilaha Shikada Microsoft Bill Gates inuu yahay Ninka Adduunka ugu taajirsan ama ugu lacagta badan sida uu daabacay wargeyska Forbes.
Mulkiilaha shirkadda Microsoft ayaa mar kale waxa uu ka guuleystay Carlos Slim oo ah ganacsade u dhashay dalka Mexico. Hantida uu Gates leeyahay ayaa sare u kacday $3bn (£1.94bn) muddo sanad ah illaa iyo $79bn
Waxaa jira caalamka dad bilyaneero ah ama taajiriin ah kuwaasoo gaadh-aya 1,826 sida ay daabacday Forbes waxaana bilyaneeradaas ku korortay 12kii bilood ee la soo dhaafay 181. Mr Gates ayaa liiska ugu sareeyay 16 jeer 21kii sano ee la soo dhaafay.
Aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa ka mid ah labaatanka ruux ee ugu taajirsan caalamka. Mark Zuckerberg ayaa lambarka 16aad soo galay sanadkan isagoo shan derejo hore u socday waxaana hantidiisa lagu qiimeeyay $33.4bn.
Haweeneyda lagu magacaabo Elizabeth Holmes, oo ah 31 jir aasaastay shirkadda baadhitaanka dhiigga ee Theranos ayaa noqotay qofka ugu da’da yar ee dadaal ay gashay ku gaadhay in ay maalqabeen noqoto waxaana hantideeda lagu qiimeeyay $4.5bn.
20-ka ruux ee dunida ugu qanisan ayaa 15 ka mid ah waxa ay yihiin Maraykan halka 290 ruux oo liiska ku soo biirtay dhowaan ay 71 ay ka soo jeedaan dalka Shiinaha.
Warbixinta ay daabacday Forbes ayaa lagu sheegay in rikoodh cusub ay gaadheen dadka da’da yar ee bilyaneerada noqonaya waxaana ku jira liiskaas 46 maalqabeen ah oo da’adoodu ka yar tahay 40 sano.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com