|

Nin u Dhashay Japan oo noqday ninkii u weynaa ee fuula buurta Dunida ugu Dheer

Tokiyo May 24,2013(SDN)-Nin u dhashay dalka Japan oo dhawaan koray buurta Dunida ugu dheer ayaa noqdii ninkii u da’a weynaa ee buurtaa dhakada uga baxa.

Yuichiro Miuraoo 80 jir ah ayaa Buurta Dunida ugu dheer ee Everest koray kiyoo uu weheliyo inan uu dhalay oo dhakhtar ah.

Ninkan ayaanay aheyn markii u horeysay ee uu buurtan koro balse laba goor oo hore ayuu kiyoo mar 70 jir ah iyo 75 jir ah hore u koray buurta.

Yuichiro Miuraayaa kolkii uu isu diyaarinayay ayuu todobaadkiiba sadex jeer lugeyn jiray kiyoo dhabarka ku sida 25 iyo 30 kilo oo xamuul ah.

Buurta Dunida ugu dheer ee Everest ayaa dhererkeedu yahay 8,848-meter ama (29,035-foot).

“Waxaan mudo dheer ku hamiyay in aan Everest koro aniga oo da’adan jira,ruuxa biniaadamka ahi hadii uu hami yeesho wax walba waa uu qaban karaa” ayuu yiri  mr Muira.

Waxa sanadkan loo dabaal degayaa sanad guuradii 60aad ee ka soo wareegtay kolkii ay Sir Edmund Hilary iyo Tenzing Norgay ay markii u horeysay koreen buurtaasi.

SDN-Tokiyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed