Nin Soomaali ah oo reer Finland ah oo ku dhintay dagaalada Syria
Espoo June 21, 2014(SDN/QJ)-Toban cisho ka dib kolkii sawirkiisa la soo dhigay barta facebook ayaa waxa la shaaciyay in nin Soomaali ah oo reer Finland uu noqday ruuxii sadexaad ee dalkaa ka soo jeeda oo ku dhinta dagaalada Syria.
Ciidamada amaanka ee dalkan SUPO ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan geerida ninkan ree Espoo ee dagaalada Syria.
“Waan la soconaa inxogtaas la shaaciyay”sidaa waxa yiri Jyri Rantala oo ah madaxa warbaahinta ee ciidamada amaanka ee SUPO.
Ninkan oo inkasta oo aanu magaciisu aheyn Maxamed ayaa hadana sidaa loogu yeeraa.
Waxaana la ogaaday in uu Finland ka tegay sanadii 2012dii iyada oo walaashiis ay saxaafada dalkan la hadashay sanad ka hor.
“waxa walaakeey uu ii sheegay in aanu dooneyn in uu dalkan ku soo noqdo,waxaanu u ekaa sidii oo laga hortaaganaa in uu soo noqdo.”sidaa waxa yiri Maxamed Walaashii xiligaa.
Ninkan reer Findlan ee Maxamed loo bixiyay ayaa ku biiray kooxda sagjiriinta ah eek a dagaalama Syria iyo Ciraaq.
Waxaana soo baxaya maalinba maalinta ka danbeysa in dhalinyaro Muslim ah oo ku noolaa Galbeedka ay ku biireen kooxda ISIS,waxaana jira walaac ah in dhalintaasi dib ugu noqdaan dalalka reer Galbeedka.
SDN/QJ-Espoo
contact@qurbejoog.com