|

Nin Soomaali ah oo loo maxkamadeynaya xiriir uu la leeyahay xagjiriin oo qirtay in uu been u sheegay la’aanta socdaalka Mareykanka

San Antonio Dec 06,2012(SDN)-Nin Soomaali ah oo loo maxkamadeynay eedo ay ka mid yihiin xiriir uu la leeyahay Xagjiriin iyo been uu u sheegay la’aanta Socdaalka Mareykanka ayaa si kedis ah u qiratay in uu beenta sheegay.

Cabdulahu Cumar Fidse ayaa ka yaabiyay denbi oogeyaashii ka dib kolkuu si kedis ah u qirtay in uu beenta sheegay kolkuu dalbanayay megengelyada Mareykanka.

Xaakim Fred Beiry oo dhegeysanayay dalab ay soo jeediyeen qareenada Cabdulahi si loo dhimo sanadaha uu kasban karo hadii eedaha lagu helo oo ahaa ilaa 30 sanadood ayuu haatan qirashadan ku muteysan karaa 10 sanadood.

Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Mark Rooberg ayaa xaakimka u sheegay in ay hayaan cadeeymo muujinaya eedo kale oo afar ah oo Cabdulaahi doonayo in uu xaakimka ku qanciyo in aaney waxba ka jirin.

Cabdulaahi iyo xaaskiisa oo la yidhaahdo Deeqa Cabdala Sheekh ayaa lagu qabtay dekedda Hidalgo oo ay ka soo degeen sanadii 2008dii.

Lamaanahan ayaa qorsheeyay isla markaana is xafidsiiyay nidaam ay been isku mid ah ugu sheegaan saraakiisha socdaalka.

Cabdulahi ayaa goobtii lagu xidhay,halka xaaskiisa Deeqa la siiyay sharci ku meel gaara.

Cabdulaahi ayaa xabsigaku jira ilaa 2011kii oo lamanaaha danbiga lagu soo oogay.

Deeqa Cabdala ayaa qiratay in ay beenta sheegeen bishii September isla markaana sheegtay in uu Cabdulaahi beenta xafidsiiyay.

Danbi baareyaasha ayaa sheegay in Cabdulaahi been ku sheegay in aabihii ay dileen Al Qacidada Soomaaliya isla markaana ay xaaskkis is yiqiineen ilaa caruurnimadoodii ayna isqabeen mudo sadex sanandooda.

Ciidamada FBI ayaa sidoo kale ka qabtay cod Cabdulaahi kiyoo qiranaya in uu dabaaq ama raashin kariye u ahaa Osaama Bin Ladin isla markaana uu ilmeeyay kolkii Mareykanku dileen Xaashi Ceyroow.

Sidoo kale waxa Cabdulaahi laga duubay kiyoo qiranaya in uu iibsaday gaari kuwa dagaalka ah oo uu siistay 100,000 oo dollar,ka dibna dagaal lagu burburiyay.

Waxaan cadeyn eedaha Cabdulaahi Fadiise la xidhiidhinaya argegixisada bacdamaa aan la shaacin.

SDN-San Antonio

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed