Nin Soomaali ah oo la baadi goobayay oo Police-ka Canada sheegeen in ay suurtogal tahay in la dilay
Calgary April 29,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Police-ka ee magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay in Soomaali ah oo 25 jir ah oo mudo la baadi goobayay in ay suurtogal tahay in la dilay.
Suryan Jamac ayaa markii u danbeysay ee indho la saaro ay ahey bishii February 17 keedii,xilgaana waxa uu ku sugnaa aqalkiisa oo ku yaal xaafada Woodbine.
Police-ka magaalada Calgary ayaa Gaari uu Mr. Jamac lahaa ka helay halka ay iska gooyaan wadooyinka Britania iyo Elboya bilk a dib.
Xogo ay Police-ku ka soo ururiyeen goobo kala duwan ayay ku sheegeen in ay kala soo bexeen in Mr. Jaamac la dilay,sida uu saxaafada u sheegay Sgt John Hebert.
Ciidamada Police-ka ayaa haatan wada baadigoob ay ku doonayaan in ay ku helaan meydka marxuumka,waxaaney shicibka ka codsadeen in ay arinka gacan ka siiyaan.
Waxa jiray warbixino hore oo tibaxaayay in Marxuumku uu doonayay in uu iibiyo gaarigiisa in yar uun ka hor markii la waayay.
Sgt Hebert ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo in marxuumku ku lug lahaa falal danbiyeedyo”Waanu eegeynaa gebi ahaanba waxyaabahaasi”ayuu yiri Mr. Hebert.
Ma aha markii u horeysay ee nin dhalinyaro ah oo ku nool gobolka Aberta mar uun la waayo isla markaana la garan waayo halkuu maray.
Sidoo kale waxa haatan tiro belay tirada dhalinyarada Soomaalida ee Canada lagu dilay tobankii sano ee u danbeeyay ee aan weli la helin cida dishay.
SDN/QJ-Calgary