Nin Soomaali ah oo Dacwad ku soo oogay safaarada Qadar ee London”Waxa ay iigu yeereen adoon waana ay I jirdileen”
London June 30,2014(SDN/QJ)-Nin Soomaali ah uu mudo u shaqeynayay safaarada Qadar ku leedahay dalka Britain ayaa dacwad ku oogay sarkaalka u qaabilsan safaarada arrimaha caafimaadka.
Maxamuud Axmed oo Britain ku noolaa 40 sanadood ayaa sheegay in Cabdala Al Ansari uu aflagaado midabtakoor ah iyo jirdil isu raaciyay.
“Intii uu Cabdala la wareegay waaxda caafimaadka ee safaarada waxaa igu bilowday cadaadis iyo hawshii oo la igu badiyay.waxaa sidoo kale la iigu yeeray cay ay ka mid aheyd adoon iyo jir dil”ayuu yiri Maxamuud.
Afhayeenka safaarada Qadar ayaa sheegtay in ay la yaabeen eedaha ka soo yeeray Maxamuud oo xubno qoyskiisa ka mid ahi ay weli safaarada u shaqeeyaan.
“M a jiro wax xadgudub ah oo loo geystay Maxamuud,reerkiisu weli wey ka shaqeeyaan safaarada sidoo kalena waxa safaarada ka shaqeeyay dad ka soo kala jeeda jinsiyado kala duwan”sidaa waxa yiri afhayeenka safaarada.
Maxkamadii dhegeysaneysay dacwada ayaa dib u dhigtay goaan arinkan ay ka soo saarto oo waxa Iyana meesha ku jirta in shaqaalaha safaaradaha la maxkamadeyn karayo iyo in kale.
SDN/QJ-London
contact@qurbejoog.com