|

Nin reer London ah oo qirtay in uu Shabaabka Lacago u diray

London Jan 28 2012(qurbejoog.com)-Nin Soomaali ah oo reer London ah oo dhawaan lagu qabtay cajalado fara badan oo dhiiri gelinaya Jihaad ayaa qirtay in uu dhawr jeer lacago u diray kooxda Al Shabaab si tababr ciidan loo siiyo sadex ka mid ah asaxaabtiisa.

Shabaaz Xuseen oo 28 jir ah kuna nool xaafada Stepney oo ku taal bariga London ayaa qirtay todobo eedood oo la xodhiidha in uu lacago u ururiyay kooxda Al Shabaab.

Waxa uu ninkani qiray in uu Shabaabka u diray aduun dhan 9 kun oo gini si Maxamed Jahangir,Tufual Axmed iyo Maxamed Shahim loogu soo tababaro Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ayaa dhegeystay hadalo uu Telephoneka ka sheegay ka dibna baadhay aqalkiisa oo ay ka heleen xog faro badan oo u badan cajalado xagjiriini ay sameeyeen.

Ninkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin degan oo aamusan balase mar danbe ku xidhmay xagjiriinta Jihaad doonka ah.

Soomaaliya ayaa waxa u jihaad tegay ajaanib faro badan oo intooda fara badani ka tegay dalalka reer Yurub oo iminkana laga baqo qabo in ay dalalkooda dib ugu noqdaan.

Qurbejoog-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed