Nin qirtay in uu ka danbeeyay weerar lagu qaaday Masjid ku yaal New York
New York Jan 04,2012(qurbejoog.com)-Ciidamada Booliska ee magaalada New York ayaa shaaciyay in ay hayaan nin qirtay in uu ka danbeeyay weeraro dhawaan lagu qaaday laba goobood oo midi Masjid ahaa ka kalena goob ganacsi.
Booliska oo aan shaacin cida ninkani yahay ayaa sheegay in ay hayaan ruuxan oo wax ka tirsanayay goobahan la weeraray.
Imam Al-Khoe Masjidka la yidhaahdo iyo daas ku naban oo xaafada Queens ku yaal ayaa lagu tuuray quraarad ololeysa oo khasaare gaadhsiisay labada gooboodba.
Afhyeen u hadlay Booliska New York oo la yidhaa Paul Browne ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ruux qirtay falkan ay hayaan dhawaana ay maakamadeyn doonaan.
Weeraradan ayaaney cidi waxba ku noqon balse ku abuuray wer wer iyo walaac Muslimiinta ku cibaadeysta Masjidka la weraray.
Qurbejoog-New York
contact@somalidiasporanews.com