|

Nin Maraykan ah oo Sheegtay inuu yahay Boqorka saxaaraha u dhexeeya Masar & Sudan

Washington 19.July 2014 (SDN/QJ)- Qisadan waxaa laga yaabaa in akhristayaal badani u qaataan khiyaali laakiin waa mid xaqiiqo ah, Nin u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Jeremiah-Heaton ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Boqorka dhulka saxaaraha ah ee u dhexeeya dalalka Masar iyo Sudan isla markaana gabadhiisa ugu magacaabay inay ka tahay Amiirad, isagoo xitaa xidhiidh la sameeyey ururka midnimada Afrika si ay ugu diiwaangeliyaan dal cusub oo boqortooyo ah oo ku soo kordhay qaaradda afrika.

WashingtonQisadu waxay ka bilaabatay Su’aal ay inantiisu weydiisay iyadoo aabaheed ku ciyaaraysa xilli ay caruur ahayd, iyadoo ku tidhi “” Aabbe ma laga yaabaa inaan maalin uun noqdo amiirad?”” waxana uu xiligaa ugu jawaabay “ Haa dhab ahaan”” xiligan hadaba aabuhu ma doonayo inuu ka dhigo ballanqaad been ah oo uu inantiisa u qaaday, waxana uu go’aansaday inuu u soo safro deegaan aad uga fog dalkiisii maraykanka si uu u ooffiyo balanqaadkii inantiisa kana dhabeeyo riyadeedii iyo waxii rajaynaysay.

Baadhitaan dheer oo dhinaca Internet-ka ah oo uu ninkani u galay dhul banaan oo aan cidina lahayn  oo uu ka yagleelo Boqortooyo  inantiisana uga dhigo amiirad, waxa uu ugu dambayntii ogaaday dhulka loo yaqaano Ceelka dheer oo ah saxaare ku teedsan xuduuda ay wadaagaan wadamada Masar iyo Sudan, dhulkaas oo ka badbaaday gacantii isticmaarkii reer Yurub, intaa ka bacdina aanay dawlad-na sheegan inay leedahay.

Mr Heaton ayaa halkaasi ka taagay calan Buluug ah oo leh afar xidigood iyo taaj Boqortooyo, isagoo si rasmi ahna ugu dhawaaqay boqortooyo uu leeyahay, inantiisiioo xiligan Toban jir ahna ku magacaabay Amiiradda leh dhaxalka Boqortooyadaasi, kana dalbaday qoyskiisa iyo cid kasta oo taqaana inay maanta waxii ka dambeeya inantiisa ugu yeedhaan Amiirad, isla markaana siiyaan ixtiraamkii iyo haybadii amiirnimada.

Warbaahinta maraykanka ayaa ka soo xigatay Mr Heaton inuu la xidhiidhay ururka midnimada Afrika si ay Boqortooyadiisa ugu daraan dalalka qaaradda Afrika, deegaankana uu ka qabanayo mashaariic balaadhan oo dhinaca beeraha ah, horumarna uu gaadhsiinayo.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed