|

NIN LOO HAYSTEY DILKA NIN DOCTOR AH DALKA UAE, OO IS KHAARAJIYEY

Dubai Nov 21,2012(SDN)Mohamed Jamil oo ahaa 46 jir u dhashey dalka Bakistan kuna noolaa dalka UAE oo u xidhnaa dilka nin Dictor ahaa ayaa qudha iska jarey 10.Nov.2012, sida laga soo xigtey jariidada Gulf News ee ka soo baxda dalka Imaradka. Caydamaha ka soo baxey baadhitanka maydka Jamil ayaa xaqiijijey inuu is daldaley

Jamil oo ahaa darwal Gawaadhida Tarenlayaasha ah ayaa loo hasytey dilka Dr Rajan Daniel oo ahaa dhakhat Arurologist ah, oo uu 1.Nov .12 ku dhex diley xafiiskiisa oo ku yaaley Cusbatalka Ahalia Hospital ee ku yaala  Caasimada UAE ee Abu-Dhabi isagoo la dhacey midi xiireysa. Sababta dilka keentey ayaa lagu sheegay in uu Jamil oo qabey xanuun sida la sheegey aanu sharciyad u laheyn inuu si toosa u tago Cusbtiaalada dalkaas u daaweyn u doontey ninkaa Dictorka ahaa, balse uu kala kulmey diidmo.

 

Somalidiasporanews.com/ qurbejoog.com)

Oslo Norway

Comments are closed