Nin Loo Haystay Dilka Wariye Caan ahaa Oo Maanta Muqdisho lagu qisaasay
Muqdisho:17-Aug-2013-(SDN)-Marxuum Aadan Cabdi Xuseen oo ku Eedaysnaa dilka weriye ka shaqeynayay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu toogtay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.
Ninka la toogtay Maanta ayay hore maxkamadi ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu caddeeyay inuu ka dambeeyay dil loo gaystay weriye lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Absuge.
Weriye Absuge waxaa la dilay 21-kii September ee sanadkii hore ee 2012 iyadoo ilaa xilligaana dacwaddiisu ka socotay Magaalada Muqdiso oo Aakhirkii keentay in la dilo eedaysanaha.
Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 28-kii March ee sanadkan dil ku xukuntay Aadan Cabdi Xuseen, iyadoo sii daysay eedeysane kale oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Dhuxulow oo dambi lagu waayay.
Waa markii ugu horreysay oo xukun dil ah lagu fuliyo qof dilay weriye, waxana arrinan si aad ah u soo dhaweeyey bahda warbaahinta oo khataro badan oo dhinaca ammaanka ah qaba, waxana haatan la aaminsan yahay inay arrintani bog cusub u furayso Dilka Wariyayaasha oo soomaaliya ka mid noqday nolol-maalmeedkeeda.
Contact@somalidiasporanews.xom