|

Nin Hubaysan oo Habeenkii xalay Nin kale oo shacab ah ku dilay Badhtamaha Hargeysa.

Harveysa:-24-Aug-2013-(SDN)-Marxuum aan ilaa hadda la aqoonsan ayaa habeenkii xalay fiidkii hore lagu dilay Magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay inuu dilkaas geystay nin hubaysan oo markiiba goobtaas ka  baxsaday.

BASTOLADDilkan ayaa ka dhacay  xaafadda Sinaay ee Konfurta Magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Garoonka Hargeysa Studium, iyadoo ay ciidanka Booliskuna ilaa xalay ku hawllanaayeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan-ku-dhiiglihii dilkaas geystay.

Marxuumka dhintay oo aan wali la aqoonsan, ayaa markiiba loola cararay cisbitaalka weyn ee Hargeysa halkaas oo uu ku nafbaxay daqiiqado ka dib, waxana la sheegay inay rasaas aan tiradeedu ka yarayn ilaa saddex xabbo ay kaga dhacday meelo kala duwan oo laabtu ka mid tahay.

Wararka qaar ayaa sheegay in ninka dhintay uu Deegaan ahaan ka soo jeedo dhinaca soomaalida Etoobiya, iyadoo aanay ciidanka amaanku ilaa haaatan soo saarin wax war ah oo arrintaas la xidhiidha.

Wixii war ah ee arrintaas ka soo kordha wararka dambe ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

 

Somaliliasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed