|

Nin damacsanaa in uu ku biiro Daacish oo Lagu qabtay Mareykanka

Maryland October 18, 2024(QJ) -Nin degan Maryland ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah u fidiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, sida uu Arbacadii shaaciyay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Maryland.

Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kana soo jeeda Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Oktoobar lagu xiray garoonka caalamiga ah ee Baltimore Washington, halkaas oo uu xabsiga ku jiray tan iyo xilligaas. Waxa uu ka soo hor muuqday xaakimka maxkamada ee Maraykanka Erin Aslan ka dib markii la xidhay.

Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, Teekaye waxa uu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal dhar cad ah ah intii u dhaxaysay March iyo April 2023, isaga oo muujiyay rabitaankiisa ku biirista ISIS oo uu u socdaalo Afrika si uu ugu dagaalamo kooxda argagixisada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in haddii qorshihiisa socdaalku uu socon waayo, uu qorshihiisa B uu ahaa in uu Maraykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shakhsiyaadka taageera Israa’iil.

Maajo iyo Juunyo 2024, Teekaye waxa uu iibsaday rasaas iyo wakhtiga toogashada ee la qorsheeyay gudaha Severn, Maryland, taas oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “tababar.”

Ka dib, wuxuu isku dayay inuu iibsado qori 9mm K-9 Kalashnikov ah bishii Luulyo 2024 laakiin waa loo diiday sababtoo ah rikoor dembi hore ah.

Dukumeentiyada maxkamada ayaa si faahfaahsan u faah faahiyay xiriirka Teekaye uu la leeyahay dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya, isaga oo la kaashaday qorshihiisa safarka.

Teekaye ayaa Itoobiya ka helay fiisaha elegtarooniga ah iyo tikidh diyaaradeed oo uu ka helay dagaalyahannada Daacish oo uu kaga soo safrayay BWI kuna soo jeeday Soomaaliya, isagoo ku hakaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isagoo sidoo kalena ku sii hakaday magaalada London.

Oktoobar 10-keedii, Teekaye ayaa sarkaalka qarsoon u diray sawir isaga oo maaskaro xidhan oo qori haysta, isaga oo isku sheegaya inuu yahay “Cabdullaahi, dilaaga kuwa Islaamka neceb.”

Waxaa lagu xiray BWI Oktoobar 14 ka dib ka hor duulimaadkiisa.

Markii la xiray ka dib, Teekaye waxa uu u sheegay wakiilada FBI-da, “Waxaan xabsiga ka bixi doonaa 20 sano gudahood, welina halgalo ayaan halkan ka fulin doonaa… Jihaadku waligii ma joogsan doono.”

Haddii lagu helo dambiga, Teekaye waxa uu wajahayaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah oo federaal.

Comments are closed