|

Nin Al Shabaab ka tirsan oo Mareykanka sanad ku noolaa oo la qabtay

Mineapolis February 03, 2024 (QJ) -Patrick Lechleitner oo ah ku simaha agaasimaha waaxda socdaalka iyo canshuuraha ee dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan Al-Shabaab laga aqbalay gudaha dalka Mareykanka uuna ku noolaa muddo sanad ka badan kadib markii lagu qabtay meel ku dhow xadka koofureed ka dibna la sii daayay.

Shaqsiga oo lagu sheegay 27-jir Soomaali ah, ayaa markii hore lagu xiray meel ku dhow San Ysidro sannadkii 2023-kii, kaddib markii uu si sharci-darro ah uga soo gudbay xadka. Balse ninkan ayaa la siidaayay kolkii laga waayay liiska argegixisada.

Baaritaan kale oo la sameeya January 18keedi ayaase lagu ogaday in ninkani uu ka tirsanaa kooxda Al Shabaab ka dibna waxa laga soo qabtaya magaalada Minneapolis 48 sacadood gudahood.

Maamulka Mareykanka ayaa la kulmay caqabada ah in la baaro shaqsiyaadka ku jira liiska argagixisada si looga hortago in ay galaan dalkaa, si kastaba ha ahaatee, waxay xireen 172 qof sanadii 2023.

Comments are closed