|

Nimcaan Bowden Oo Loo Ogolaaday In Dhiigiisa La Baadho Si Uu U Helo Baasaboorka Ingiriiska

Hargaysa 13.July (SDN) Xafiiska arrimaha debeda iyo barwaaqo sooranka ee London ayaa ka dalbaday wiilka lagu magacaabo Nim’an Bowden inuu soo dalbado British Passport, si uu dib ugu helo dhalashada Britain. Niman oo tan iyo 1991 ku noolaa Hargeysa, ayaa waxa dhalay aabe Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray Brian Bowden iyo hooyo Somali ah.

Nim’an ayaa dalbaday la siiyo dhalashada wadanka Britain, waxaana beryahanba warbaahinta lagu arkayey sawirka Nim’an Bowden. Xafiiska arrimaha debbeda iyo Barwaaqo Sooranka ee London oo ka jawaabayey dalabka Nim’an ayaa u sheegay Nim’an inuu soo dalabado British Passport, taas oo ay eegi doonto wasaarada arrimaha gudaha Britain.

Sida ay sheegtay jariirada Dartmouth Chronicle waxa Hargeysa yimi wafti ka socda safaarada Ethiopia kuwaas oo kula kulmay Nim’an Hotel Ammbassador ee magaalada Hargeysa. Lama sheegin waxa ka soo baxay kulankaa laakiin saaxiibada u ololaynaya Nim’an ayaa rumaysan in la samayn doono baadhitaanka hidaha DNA-da taas oo lala eegi doono qaarabada aabihii Brain Bowden ee UK taas oo laga yaabo in ay cadayn u noqoto.

Brain Bowden waxa shaqaale ka ahaa Wakaalada biyaha Hargeysa sanadki 1958, waxa uu halkaa ku guursaday gabadh Somali ah oo u dhashay shan carruur ah. Dagaalkii hubaysnaa ee ka dhacay Hargeisa 1988, ka dib Brain Bowden waxa uu u wareegay Moqdisho , waxaana uu shaqo ka bilaabay safaarada Britain. Balse dagaaladii ka dhacay Muqdisho 1990, ayaa keenay in Brain Bowden lagu dilo Muqdisho 1991.
Wakhtigii la dilay Brain Bowden lix sanno ka dib ayey Nim’an hooyadii dhimatay, taas oo keentay inuu Nim’an noqdo qof aan cidna ku tiirsanayn.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed