|

Nigeria oo saraakiil boolis ah u direysa dalka Soomaaliya

Addis Ababa Dec 28 2012 (SDN)— Dowladda Nigeria ayaa saxiixday heshiis Isfahan ah oo ay la gashay Midowga Africa, kaasi oo u ogolaanaya in ciidamo boolis ah ay u soo dirto dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka AMISOM.

Heshiiskan isfahanka ah ayaa dhigaya in 140-saraakiil boolis ah oo ka socda dowladda Nigeria ay ku soo biiraan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka soconaya.

Warbixintan oo uu shaaca ka qaaday Agaasimaha Ciidamada booliska Nabad Ilaalinta Nigeria Kayode Aderanti ayaa sidoo kale sheegay in hesiiska isfahamka ah uu u saxiixay dhankooda safiirka iyo wakiilka joogtada ah ee Nigeria u fadhiya Midowga Africa Bulus Lolo halka Midowga Africa uu galinka ugu aasan Ram-tane Lamamra.

Mr. Aderanti ayaa tilmaamay in hesiiskan la saxiixay uu dhameystirayo yagleelida ciidamad boolis AMISOM ah oo loo daabulo Soomaaliya, inkastoo ciidamad boolis ah ay hada joogaan.

Midowga Africa ayaa horay ugu baaqay in Soomaaliya loo diro ciidamo boolis ah oo gacan ka siiya booliska Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Ammaanka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

SDN-Addis Ababa

Comments are closed