|

Nigeria: Diyaarad ku burburtay magaalada Lagos iyo khasaaraha ka dhashay

Abuja 03, June 2012 (Qurbejoog.com)- Inka badan 150 qof oo rakaab ah, ayaa ku dhintay ka dib markii diyaaraddii ay saarnaayeen Axaddii maanta ku burburtay magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Siday xaqiijisay waaxda Duulista Hawada ee Nigeria, diyaaraddaas oo ay lahayd shirkadda Dana Airlines oo fadhigeedu yahay dalkaas, waxay jiidhay dhismaha “Two-story building” oo ku yaala magaalada ugu wayn dalkaas ee Lagos.

Sida uu sheegay Harold Deuren oo ah madaxa hay’adda Duulista Hawada dalkaas, diyaaraddan oo 153 qof oo saarnaa ku dhinteen, waxay ka soo duushay magaalada Lagos, waxayna u socotay caasimadda Nigeria ee Abuja. “Ma aaminsani in cid ka badbaaday jirto,” ayuu Mr. Denuren u sheegay suxufiyiinta.

Burburka diyaaradda Dana Airlines waxa uu yimi ka dib markii Sabtidii shalay ay 10 qof ku dhinteen markii diyaaradda Boeing 727 ah oo xamuul, kana Lagos ay ku burburtay magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, sida uu ku waramay wargeyska The Sunday Tribune ee ka soo baxa dalka Nigeria.

Siday masuuliyiintu sheegeen, diyaaradda Boeing 727-ka ah, wax aka badbaaday afar ka mid ah shaqaalihii la socday.

Qurbejoog.com, Abuja

Comments are closed