|

Niger: Magaalada Agadez, Hoygii Tahriibayaasha

Nairobi 31.Jan 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Agadez ee Wadanka Niger oo ku taalla dacalka lamadegaanka Galbeedka Afrika  ayaa noqotay Magaalo dhaqaalaheedu kor ugu soo kacay tahriibayaasha ka gudbaya awgeed, kuwaas oo isku deyaya inay gaadhaan Dalka la jaarka ah ee Liibiya iyo waxii dhanka Waqooyi ka sii xiga ee badda ka tallowsan.

 

TAHRIIBSanad walba ugu yaraan 60.000 oo tahriibayaal ah ayaa waddo ka dhigta Dalka Niger si ay ugu sii gudbaan wadamada waqooyiga Afrika kuwaas oo badankoodu ka yimid dalalka kala ah Gambia, Nigeria, Senegal iyo Ghana, tahriibayaashaasi waxay ka faa’iidaystaan xoriyadda dhaqdhaqaaqa ee ka jirta gudaha dalalka ku midaysan Ururka dhaqaalaha dalalka Galbeedka Afrika ee (ECOWAS) ilaa ay si sharci ah ku gaadhaan xuduuda Liibiya, hadii aanay ka maqnaanin warqadaha aqoonsiga sharciga ah ee muujinaya dhalashada wadamada ururkaasi ka tirsan, dawlada Niger uma diidi karto inay dhulkeeda soo galaan dadkaa tahriibayaasha ahi.

 

Tan iyo intii ay colaadu ka bilaabantay wadanka Mali, sanadkii 2012 isla markaana an la adkeeyey isu socodka xuduuda Mali iyo Aljeeriya waxaa soo kordhayey tahriibayaasha xudunta ka dhiganaya Magaalada Agadez ee wadanka Niger oo ah magaalada ugu balaadhan deegaanada Waqooyi ee Dalkaasi oo waxii xiligaa ka dambeeyey noqotay barta ay ka dhaqaaqaan kolonyada tahriibayaasha ah ee gelaya Liibiya si ay uga gudbaan oo ugu hayaamaan Qaaradda Yurub. Magaaladan waxa dhaqaalaheedu hore ugu tiirsanaa dhinacyada ganacsiga, farsamada gacanta iyo dalxiiska, waxase xilligan dhaqaalaheeda sii dhisay baahiyaha dadka safarka ah ee kumanaanka ah.
Dawlada Niger ayaa xiligan waxay sheegtay inay si weyn uga taxadarayso in hawlo ganacsi oo sharcidarro ahi ay Magaaladaa ka bilaabmaan, Mr Massaoudou Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dalkaasi ayaa arintaa ka hadlay waxana uu yidhi sidan: ‘ ma doonayno in ganacsi dembiyada xidhiidh la leh uu ka hano qaado oo yeesha gacanta sare ee Magaalada Agadez’

Comments are closed