Nicholas Kay oo Shabaabka u bidhaamiyay habka Diblomaasiyiinta Caalamka looga saari karo Soomaaliya
Washington April 23,2014(SDN/QJ)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Soomaaliya ay isaga baxaan Diblomaasiyiinta caalamka.
Ergeyga ayaa arinkan ka sheegay kulan lagu qabtay Washington oo ay marti gelisay Mac-hadka Nabada xaruntiisa.
“Waxa aan maanka ku hayaa in hadii aanu sameyno khalad amni oo ay naga dhintaan tiro shaqaale ah khaasatan kuwa QM waxa aanu ka baxeynaa Soomaaliya”ayuu yiri Nicholas Kay.
Reer Galbeedka ayaa in dhawaalaba sheeganayay in ay wax weyn ka qabteen amaanka Soomaaliya iyo in ay Shabaabka jebiyeen.
Shabaabka ayaase labadii maalmood ee u danbeeyay magaalada Muqdisho ku dilay lab aka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii jeeday shir amniga dalka looga hadlayo oo Muqdisho ka socda.
Hadalka Ergeyga ayaa ku soo beegmaya xili ay Soomalaiya ku soo badanayaan diblomaasiyiinta ku soo dhiiranaya in ay Muqdisho ku noolaadaan.
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com