|

Nicholas Kay Oo Ka Hadlay Waddada Lagu Horumarin karo Somalia

Nairobi:11-Dec-2013(SDN)-Ergayga Qarmada Midoobay u Qaabilsan Somlalia Nicholas Kay ayaa Tilmaamay in Somalia u Baahan tahay in laga  horuriyo dhinacyada siyaasadd iyo ammaanka oo ah seeska Dawladdnimada.

nicholas kayNicholas Kay, oo muuqaal kaga qeyb galay shirka golaha amaanka ayaa sheegay in hayadaha dowlada Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ku abuureen kalsooni dheeraad ah, taasi oo uu sheegay inaanay aheyn kuwo qaldan,balse ay saxeen wax badan oo qaldanaa.

“Somalia waxay ahaan doontaa wadan xasiloon gobolka iyo caalamka, marka la xoojiyo hayadaha dowlada, ayna timaado la xisaabtan iyo ciidamo aqoon wanaagsan leh kuwaasi oo ka hor taga caqabadaha si loo maareeyo dakhliga iyo siyaasada Soomaaliya.” Ayuu yidhi Mr Kay.

 

Wuxuu sheegay in go’aankii baarlamaanka ay qaateen 2 December ayna xilka kalsoonida kala laabteen xukuumadii Saacid, taasi oo ka dhigneyd tijaabada baarlamaanka iyo in la helo iyaga oo xoog leh.

 

Muhiimada ayuu sheegay in iminka ay tahay in la hergiliyo dowlada cusub, taasi oo isku keenta Soomaali una abuurta waxay u baahan yihiin, sida horumarinta amaanka, shaqada iyo adeegyada dadweynaha.

Dhanka kale waxay dharbaaxo weyn ku tilmaameen iscasilaadii gudoomiyihii Bangiga dhexe Yusur Abraar, laakiin waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in la keeno gudoomiye cusub oo iyada badalaya.

Mr Kay ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahaasi in qaramada midoobay ay kordhin doonto taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya si horumarkaasi loo gaadho.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed