|

Nicholas Kay oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Shabaabka

Nairobi Dec 11,2013(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM ayaa sheegay in uu jiro qorshe kooxda Shabaabka looga saarayo degaanada weli gacantooda ku jira ee dalka Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa sidoo kale warbixin uu siiyay Gollaha Amaanka ee QM waxa uu sidoo kale uga waramay muhiimada ay siinayaan in Soomaaliya ay hogaan cusub ku soo doorato sanadka 2016ka.

Wakiilka QM ayaan faahfaahin ka bixin qorshahan shabaabka looga saarayo degaanada gacantooda weli ku jira.

Kay ayaa xusuusiyay in Septembertii hore uu golaha ka horsheegya khatarta ay Shabaabku ku hayaan caalamka,dhawr maalmood ka dibna waxa ay weerareen Westgate Mall.

Ma cada sababta haatan uu Mr Kay u shaaciyay weerarkan ka dhanka ah,balse waxa muuqatay todobaadyadii u danbeeyay laba kacleyn ay Shabaabku muujiyeen.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed