New York: Qaramada Midoobay oo caddaysay magacyada iyo xogta hawlwadeenadeedii lagu toogtay Madaarka Gaalkacyo, maxayse dilkaas ka tidhi kooxda Al-Shabaab?
New York April 8, 2014 (SDN)- Qaramada Midoobay ayaa caddaysay magacyada laba hawlwadeenadeeda ka tirsanaa oo Isniintii shalay lagu dilay dalka Soomaaliya.
Jimciyada Quruumaha ka dhexaysaa waxay sheegtay in labadaas qof oo shalay nin hubaysan oo ka tirsan Booliska maamul-gobolleedka Puntland ku toogtay madaarka Gaalkacyo, ay kala ahaayeen; Simon Davis oo u ahaa muwaadin u dhashay Boqortooyada Ingiriiska iyo muwaadin Farasiis ah oo la odhan jiray Clement Gorrisen.
Labada nin oo u shaqaynayay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Daroogada iyo Dambiyada ee loosoo gaabiyo UNODC, waxa kahor intii aan madaarka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilin ay ka dhoofeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay todobaadkii hore hawlo shaqo oo la xidhiidha la-dagaalanka Bad-jiifka Soomaalida u yimaadeen.
Mr. Davis oo u dhashay UK waxay da’diisu ahayd 57-jir, halka saaxiibkii Mr. Gorrissen oo Faransiiska u dhashayna uu ahaa 28-jir, waxaana la toogtay madaarkii ay diyaarad kaga degeen magaalada Gaalkacayo.
Mr. Davis oo khabiir ku ahaa dhinaca baadhista isu-gudbinta sharci-darada ah ee lacagaha, wuxuu soo qabtay “shaqo badan oo wanaagsan,” ayuu yidhi sarkaal Qaramada Midoobay ka tirsani. Wuxuuna labadaas nin ku sifeeyay, tusaaleyaasha ugu wanaagsan ee tiro badan oo shaqaale ah oo ay Qaramada Midoobay inay in ku filan nasiib u hesho inay u shaqeeyaan.
Mr. Davis wuxuu UNODC ku soo biiray sannadkii sannadkii 2012, halka Mr Gorrissen shaqadiisii u horaysay ee xafiiskaasi ahayd sannadkii 2010, isla markaana uu gacan ka geysanayay hawlgalada hay’addaas ee gobolka Geeska Afrika.
Dhinaca kale, maleeshiyaadka Al-Qaacida ku xidhan ee al-Shabaab oo dagaal kula jira dawladda Soomaaliya, ayaa u dabaal-degay weerarka lagu dilay labadaas hawlwadeen ee QM u shaqaynayay, balse al-Shabaab way diiday inay xaqiijiso ama beeniso inay iyadu fulisay, sidaana waxa ku warantay qaybta dunida la hadasha ee BBC-da. “Ururada QM had iyo jeer waa cadowga Islaamka,” ayay tidhi kooxda Al-Shabaab, siday BBC-du sheegtay.
Xoghayaha Khaarajiga UK William Hague waxa uu si adag u cambaareeyay dilka loo geystay labadaas qof ee u shaqaynayay UNODC. “Waxaan sida ugu adag u cambaaraynayaa dilalkan bani’aadaminimo-darada ah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain. Wuxuuna intaa ku daray, in nimankaasi ay gacan ka geysanayeen, in mustaqbal wanaagsan la gaadhsiiyo Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu masuuliyiinta Soomaalida ugu baaqay inaysi degdeg ah u baadhaan dilalkaas, si caddaalada loo mariyo dambiileyaasha fuliyay.
Magaalada Gaalkacayo ee lagu dilay labadaas nin ee reer Yurub, waxay 574 KM dhinaca waqooyi kaga beegantahay caasimadda Muqdisho, waana xuduudka maamul-gobolleedka Puntland la wadaago Koonfurta Soomaaliya.
Qurbejoog.com, New York