Natiijooyinkii Dorashooyinkii Baarlamaanka Jabuuti oo si horudhaca loogu dhawaaqay iyo Mucaaridka oo qaadacay
Jabuuti Feb 23,2013(SDN)-Guddida Doorashooyinka ee dalka Jabuuti ayaa maanta saxaafada dalka u soo bandhigay natiijooyin horudhac ay ku sheegeen oo ka soo baxay doorashooyinkii Baarlamaanka ee shalay dalka ka dhacaday.
Guddoomiyha Guddida Doorashooyinka ee dalka Jabuuti isla markaana ah wasiirka Arrimaha Guddaha ee dalaka Md Xasan Dharaar Hufane ayaa shegay in xusbiga talada dalka haya ee UNP uu helay 49% kuraastii lagu tartamayay.
Halka xusbiga mucaaridka ugu weyn ee USN uu isna helay 47%,xusbiga kale ee PPU ayaa isna helay 3% codadkii ilaa haatan la tiriyay.
Afhayeenka isbeheysiga mucaaridka USN Md Daahir Faarax oo ka hadlay natiijada horu dhaca ah ayaa sheegay in ay tahay mid aan la aqbali kareyn.
Md Daaf ayaa sheegay in xukuumada Jabuuti ay ku shubatay doorashadii dalka shalay ka dhacday.
Waa doorashooyinkii u horeeyay dalka ka dhacda mudo toban sanadood oo ay axsaabta mucaaridku ka qeybgalaan.
Doorashooyinkii shalay dalka ka dhacay ayaa waxaa goob joog ka ahaa ururo caalemiya oo aan weli wax war ah ka soo saarin habkii iyo hanaankii doorashooyinku u dheceen.
Natiijooyinka kama danbeysta ah ayaa la filayaa in la shaaciyo maalmaha soosocda.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com