Natiijada Kulan Albaabadu u xidhnaayeen Oo Xalay Dhex Maray Ra’isal Wasaare Cabdiweli iyo Xildhibaano Ka soo jeeda Beesha Daarood
Muqdisho:06-Jan-2014(SDN)-Ra’isal wasaaraha xilka ku cusub ee soomaaliya ayaa sheegay inuu xalay fiidkii hore shir albaabadu u xidhan yihiin la qaatay xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo ka soo jeeda Beesha Daarood.
Kulanka oo ahaa mid uu albaabka u xidhan yihiin, ayaa la sheegay in looga hadlay magacaabiista Golaha cusub ee wasiiradda iyo beesha in la siiyo xubin muhiim ah, waxana si weyn la isula lafo guray sidii loogu qanci lahaa wixii Beeshu ka hesho Golaha la magacaabi doono, iyadoo Ra’isal wasaarahana lagu dhiirriyey inuu Beesha u magacaabo Xubin muhiim ah oo Bulshadu ku qanci karto.
Si dhab ah looma oga wax yaabaha la isku raacay, balse xildhibaanno ka qaybgalay kulanka waxa ayaa si hoose u sheegay in kulankaasi ku dhammaaday farxad iyo is afgarasho, iyadoo si fiican wax la isula meel dhigay.
Dhinaca kale, warar la isku heleyn karo oo laga helay Villa Somalia, ayaa caddeeenaya in dib ay u dhaceen magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiiradda.
Sababta waxaa lagu sheegay in khilaaf ay weli ka taagan qaabka loo qaybsanaayo xilalka iyo shakhsiyaadka la doonaayo in ay ka soo muuqdaan xukuumadda cusub.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada si loo sii ambaqaado howlaha badan ee hor yaalla dowladda federaalka Soomaaliya.
Soo dhisidda Golaha wasiirrada Dawladda Federalka Somalia ayaa ah arrin aad u adag inta badanna laguma degdego in cid la iska magacaabo, maadaama ay meesha jiraan Qabaa’il doonaya inay si fiican iskaga dhex arkaan xukuumadda la dhisayo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com