Natiijada ka Soo Baxday Shir Deg Deg ah oo ay Yeesheen Golaha Wasiirada Somalia iyo Nuxurka ka soo baxay
Muqdisho 13.Nov 2013 (SDN)- Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir deg deg isugu yimid galabta ayaa Gudi heer qaran u magacaabay dhibaatadii duufaanta Cyclone ee ku dhifatay Xeebaha bari ee Puntland, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan boqol ruux, halka kumanaan qoys ay ku barakaceen.
Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa laga soo saaro go’aano, iyadoo markii uu soo dhamaaday saxaafada ay la hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in diyaar u yihiin in Puntland la qeybsadaan dhibaatada, isla markaana ay garab taagnaadaan, isagoo cadeeyay in wixii ay awoodaan oo dhaqaale iyo farsamo ay ugu deeqi doonaan dadka ku waxyeeloobay duufaanta.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in marka hore lagu dhawaaqay in waxa meesha ka dhacay ay aheyd musiibo qaran, isla markaana waajib tahay in loo gurmado.
Mr Guuleed ayaa sheegay in dowladda ay ugu deeqday lacag gaareysa hal milyan oo dollarka Mareykanka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay u gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay dhibaatada duufaanta.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in Gudi uu madax u yahay isaga la magacaabay oo ay ka mid yihiin, Wasiirada Maaliyada, Gaashaandhiga, Kheyraadka dalka, Duqa magaalada Muqdisho, labo xubnood oo Ganacsatada ka socda iyo xubin bulshada rayid ah.
Deegaanada duufaantan ku dhifteen ayaa waxaa adag in gawaari lagu gaarsiiyo gar gaar, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu dalbay in diyaarado lagu gaarsiiyo gar gaar dadka ku waxyeeloobay musiibadan.
Duufaanta ku dhifatay xeebaha bari ee Puntland ayaa ah mid soo bilaabatay maalinimadii jimcihii, waxaana ay wadatay roobab iyo qabow daran, taasoo dad ka badan 100 ruux ay ku dhinteen.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com