Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe Ee Somaliland Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono
Hargeysa:Sep,29,2014(SDN\QJ)-Waxa lagu wadaa in maanta la shaaciyo natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa dhexe ee Somaliland oo muddo laalnayd.
Natiijada oo aalaaba lagaga dhawaaqo xafiiska imtixaanaadka Guud ee Qaranka, ayaa muddo badan la sugayey, waxana faahfaahin laga bixin doonaa sida ay ardayda kala duwan ee Somaliland u kala sarraysay, iyadoo sidoo kalena la sheegi doono cidda hormoodka u ah ardayda Dugsiyada sare iyo kuwa dhexe oo tartan ku gala hadba cidda kaalmaha hore gasha.
Natiijada ayaa waxa shaacin doona Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo waliba xafiiska imtixaanaadka Guud, waxana u dhegtaagayaa kumanaan arday oo sanadkan ka baxaysa Dugsiyada sare iyo Kuwa Dhexe ee Somaliland.
Natiijada imtixaanaadka oo inta badan ay ku hooseeyaan Dugsiyada Xukuumaddu, ayaa si weyn la isku weydiinayaan inay sanadkan dhaami doonaan sidii hore, waase adagtahay taasi.
Dugsiyada dawladdu gacanta ku Haysa ayaa dhinaca natiijada ku hoobta sanad walba waxana ardayda soo baxaysaa iska buuuxisaa dugsiyada gaarka loo leeyahay oo lacago qaali ah lagu dhinto, taas oo keentay inay heerkii iyo tayadii waxbarasho ee dugsiyada xukuumiga ah oo lacag la’aan laga dhigay ay si weyn hoos ugu dhacdo, iyadoo ardayda Danyarta ahi ay dhibaato badan haatan ku qabaan duqsiyada dawladda.
Macalimiintii tayada lahayd ayaa intooda badani waxa ay dhigaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxana Haatan Ardayda Gelaysa Dugsiyada sare ay siiba qoondaysteen Dugsiyadii gaarka loo lahaa ee ay geli lahaayeen, maadaama aanay jirin wax natiijo ah oo ay dugsiyada xukuumaddu muujiyeen.
Xukuumadda ayaa sanado kahor waxa ay bilaash ka dhigtay dugsiyada ay gacanta ku Hayso, balse taasi waxa ay keentay inay ka dhalato tayo-xumo dhinaca waxbarashada ahi, waxana meesha kasii baxaysa kalsoonidii dadku ku qaben dugsiyada Dawlada.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com