Naqdin Toolmoon “Intee ayay Xukuumaddani sii tamarin kartaa?” Qy: 1-aad ee Taxane uu bilaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
Hargaysa 13.Nov 2014 (SDN/QJ)- Akhristayaal waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Qormooyin Taxane ah oo uu bilaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Siyaasiyiinta caanka ah ee reer Somaliland, isla markaana wakhtigan ka tirsan Siyaasiyiinta ku Bohoobay Golaha la baxay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Qormooyinkiisan oo uu kaga hadlay arrimo badan, isla markaana dhinacyo badan kaga eegayo Hab-dhaqanka Siyaasadeed iyo Maamul ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo inta ay suuragalka tahay inay sii tamarind karto Xukuumaddiisu, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Qormada koowaad ee Taxanahaa uu qoraalkiisa bilaabay Eng. Maxamed Xaashi, waxaanu ku bilaaban sidatan:-
“Si aan u fahamno HABOWGA SIYAASADEED ee Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan tahay, aan taariikh gaaban ka horeysiiyo qoraalkan. Dunida waxa jira, dhawr HAB-DHAQANO oo kala ah:
ISLAAM oo ah sharci dhamaystiran oo UDUB-DHEXAAD KIISU yahay KITAABKA QURAANKA iyo SUNNAHA NABIGA (C.S). Ciddii ku dhaqantaa waxay heli, LIIBAAN; IFF iyo AAKHIRO SAN. CIDDA baal-maraana CADAAB AAKHIRO oo daa’im ah.
DIMUQRAADIYA, waa DASTUUR iyo XEER lagu heshiiyo. UDUB-DHEXAAD keedu waa DOORASHO loo TARTAMO. Marba Xisbiga ku guulaysta tar-tanka ayaa xukunka iyo talada Dalka qabta. Magac iyo taariikh wacan baa u ah BAR-TILMAAMEED. KALIDI-TALIYE; sida magacu tilmaamayo, ISAGAA SHARCIGA ah, awood oo dhamina gacantiisay ku JIRTAA. Siduu ku yimidna ayuu ku tagaa.
TRIBE-BOOGRASI; Waa arrin SOMALILAND ku dhaqanto. TIIR-DHEXAAD, waxa u ah QABIIL. Madaxda waxa lagu doortaa reer iyo IS-BAHAYSI. Maal-gelinta ololaha doorashada, xoogeedu, wuxu ka soo BURQADAA cidda leh musharaxa Mdaxweyne. Xisbi-xaakimka iyo MADAXWEYNUHU, waxa ay loolanka doorashada isticmaamaan HANTIDA QARANKA.
QAYBTAN 4aad; Waxa ay ku dhaqantaa SIYAASAD MA DHALAYS ah, oo aan CIMRI-DHERAR lahayn, Horumar lahayn, oo xambaarsan, MURAME QABiI iyo EEX. Dastuur iyo sharci, Waxa ka MUDAN rabitaanka Madaxweynaha. Aqoon, karti iyo hufnaani ma aha shardi. Bal aan u gudubno; Saddexda qaybood ee Dawladdu ka kooban tahay.
XUKUUMADAHA DALKA: Ilaa 1991, SIYAASAD QABIIL ayaa XUDDUN u ahayd Dawladda; KALSOONIDA SHACBIGA, Waxa ay madaxdu u turjumaan in ay ku hanan karaan, Wasiiro iyo Madax Sare oo loo magacaabo REERAHA. Waa arrinta salka u ah wasiirada badan ee la isugu FAANO. Waa arrinta gadhsiisay 56 wasiir maamulkii Rayaale. Madaxweyne Axmed wuxu marayaa 47 wasiir. Waxa siyaasadda dadaheya AFF-MIISHAAR iyo ma-shaqayste. Waa cadowga maamul-wanaaga iyo horumarka. Reeraha tirada yari iyagu ma hawaystaan wasiir.
Waxa Iyana jirta HANTI BADAN oo Madaxtooyadu maamusho oo ah Madax/Xige ay la wareegtay oo aan ku jirin miisaaniyadda Madaxtooyada ee goluhu ansixiyey oo aan ku xusnayn Waajibaadka Dastuurka qodobka 90aad.
Qod. 90aad; Madaxweynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgeyada, horumarka bulshada iyo habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku xusan, wuxu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda. 1. Hogaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda. 2. Magacaabidda iyo xil-ka wareejinta Xubnaha Wasiirada. 3. “ madaxda sare ee Dawladda.
FICILLADA Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa ay ku XAD-GUDBEEN, Qodobka 90aad ee kor ku xusan. Waxa ay farageliyeen , maamul LACAGEED iyo IIB DHUL iyo DAARIHII DAWLADDA. Hab aan sharci ahayn. Taasoo waxyeelo weyn u gaysatey habdhaqankii iyo nidaamkii dawlada. Maamulkii Rayaale, waxa la odhan karaa, wuxu jeexay dariiq xun, oo ADDUUN URURSO ah.
Waxa laga dhaxlay, KHASNNAD MADHAN iyo DAYN BADAN. Waxa uu tahli waayay in uu BIXIYO: Affar bilood mushaharkii shaqaalaha iyo laba bilood, kii ciidamada. Sidoo kale RAASHINKa: Ciidamada ; cusbataalada iyo jeelasha. Waxa intaa dheera, Kharashkii hawl socodsiinta Jan-July 2010 oo ahaa; $ 22 milyan.
MARKII Guddidii saddex geesood ah loo saarey ( Hanti-dhawrka, Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha ee G/Wakiilad iyo qayb W.Maaliyadda ah) ay soo badheen mudadii xilka Rayaale oo ay kala jareen dakhligii Dhabta ahaa iyo kharshkii Dhabta ahaa, waxa dheeri soo baxday $ 53 milyan iyo wax la jira. Isugeyn lacagta uu lunsaday maamulkaasi waxa ay dhan tahay; $ 122,791,859. Kuma jiraan Lacagtii Dhulkii iyo Daarihii ay iibiyeen, dakhligii dekedda Berbera, Dakhliga Wasaaradda Macdanta ee ka soo xerooda shirkadaha OIL AND GASka baadha iyo Haamihii shidaalka .
Marka xaaladda Dalku sidaas ku sugnayd, Mushaharka Rayaale wuxu ahaa, $ 36,171 bishii, Ku-xigeen kiisuna $ 15,989 bishii. Waa mushahar ku badan dal dhaqaale yar iyo dadweyne sabool ah. Waxa DalKa, BAD-BAADIYAY, ALLA KHAYR HA SIIYE, ganacsatadii amaahin jirtay biilka iyo raashinka shaqaalaha iyo ciidamada. Kuwaas oo u dhabar-adaygay in ay u sii wadaan daynta inta Eebbe FARAJ furi.
Bal iyana u fiirso Dareen la’aanta Madaxda, sida noloshoda iyo ta shaqaalaha/ciidamadu, u kala fogaadeen. Aan tusaale u soo qaadanno qoys meel-dhaxaad ah 7qof: Waxa la tabayaa CADAALAD. Marka dastuurka iyo sharciyada Dalka la baalmaro Waxa ka BEERMA Xasilooni darro, nabad-gelyo la’aan iyo Horumar la’aan.
La Soco qaybo kale oo Taxanahan ka mid ah…
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi