Nairobi: Dad Somali Ah Oo Ku Jira Xabsiyadda Oo Cuntadii Ka Soomay,Dalbadayna In Lagu Celiyo Somaliya
18,May,2014(SDN/QJ)-Boqolaal Soomaali ah oo laga soo qab qabtay gudaha Magaalada Caasimadda Ah ee Nairobi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku xidh dhiran yihiin xabsi ku dhexyaalla Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Joma Kenya,kuwaasi oo dalbanaya in dalkooda Soomaaliya dib loogu celiyo.
Dadkan oo muddo asbuucyo ah ku xirnaa Xabsigaan ayaa sheegay in ay hadda cunada ka soomeen iyaga oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka codsaday in ay dib ugu celiso Dalkooda Soomaaliya.
Sidoo kale Boqolaal ruux oo Soomaali ah oo ku jira Xabsiyo ku yaalla Dalka Kenya ayaa iskugu jira kuwo sharci ku joogay dalkaasi iyo sharci la’aan ku joogay, mana muuqato haatan tallaabo ay qaadday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aaddan Soomaalida ku dhibaataysan Dalka Kenya oo ka mid ah Wadamada Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM ay ka joogaan Gudaha Dalka Soomaaliya.
Wali Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi iyo guud ahaanba dalka Kenya waxaa ka soconaya howlgalka loogu magacdaray Usalama Watch kaasi oo ah mid Kenya ay sheegtay in ay ku sugayso Ammaankeeda, balse saamayn ballaaran ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed ee Dalka kenya ku noolaa sanado badan.
Waxaana warar kale oo ay Helayso Shabakadda Wararka ee Qurbejog.com ay sheegayaan in haatan Ay Ciidamadda Amaanka ee Dalka Kenya ay bilaabeen inay baabiiyaan Goobaha Ganacsiga ah ee ay Somalidu ku leedahay Xaafadda Islii,talaabadaas oo ay dadka Somaliyeed-na Walaac Xoogan ay ka muujiyeen.
Si kastaba ha ahaatee la saadaalin karo Mustaqbalka Dadka Somaliyeed eek u Nool Magaalada Nairbo iyo Guud ahaanba dalka Kenya,oo ay xaaladoodu Noqotay Cidna uma maqna Ceel-na uma Qodna.
Waxaana waayadan danbe soo baxayay dhacdooyin kale duwan oo muujinaya sida aanu u fiicnayn Xidhiidhka Labada Dal,Somaliya iyo Kenya.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com