|

Nairobi: Ciidamada Kenya oo Toogasho ku dilay Laba Nin oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha Argagixisada

Nairobi 13.Nov 2013 (SDN)- Ciidamada Booliska Kenya ayaa saaka Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ku toogtay labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii sanadkii hore lagu dhaawacay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ahaa Xildhibaanka degmada Kama-Kunji ee Xaafada islii ka tirsan tahay.

Howl gal saaka ay qaadeen Ciidamada Booliska ayay labada nin ku dileen Wadada 12-ka ee xaafada Islii, iyadoo laha helay Bastoolad iyo bambo gacmeed.Taliyaha Booliska Nairobi Benson Kibue ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in raga la dilay ay qorsheynayeen inay qaadaan weeraro, hase ahaatee ciidamada ammaanka ay in muddo ah ku daba jireen.

Meydadka labada nin ayaa in muddo ah waxay yaaleen wadada laamiga dhinaceeda, iyagoo dadka ay sheeda ka daawanayeen, inkastoo markii dambe la qaaday.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa wali dhaawiciisa la taacalaya, isagoo ku socda gaariga dadka curyaamada, maadaama lugaha ay ka haleeleen firirka bamkii lagu weeraray bishii December ee sanadkii hore, xilli uu ka soo baxayay Masaajid.

Yuusuf Xasan ayaa hada ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo lagaga soo saarayo biro lugaha uga jira.

Howl galkan ay qaadeen Ciidamada Booliska kenya ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay ku toogtaan rag la sheegay inay ka dambeeyeen weerar lagu dhaawacay Xildhibaan Yuusuf Xasan.

togasho-islii_2 togasho-islii_1

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed