Nacaybka Bulshada Reer Togdheer iyo Xukuumadda Oo Cirka Isku Shareeray iyo Wasiirro Lug ku Walaaqaya Kacdoonka Burco Ka Jira.
Burco:12- Jan-2014(SDN)-Wali waxa meel halis ah maraya Khilaafka ka Deegaanka Qaarka ka mid ah shacabweynaha ku Nool deegaanka Togdheer iyo Xukuumadda uu Hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo, iyadoo sababtana dusha laga saarayo Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan maamulkan oo Hab Beleed wax u wada.
Khilaafkan ayaa haatan si weyn u soo shaac baxay, waxana shalay hadallo dhiif leh xukuumadda Hawada u mariyey Cuqaal, salaadiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Galbeedka Burco, kuwaas oo ka dhiidhiyey Xadhiga ay xukuumaddu kula kacday Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolkaas Guuleed Daahir.
Wararka ay helayso Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Hoosta ka hurinayaan dhibka ka dhex taagan xukuumadda iyo Beesha Galbeedka Burco, waxana hoosta laga Xarriiqay in xubno wasiirro ahi ku kaceen wax dadka qaar ugu yeedheen Aargoosi beelaysan oo lagu cabudhinayo Dad gaar ah.
Dhaqdhaqaaqyadan noocan ah ayaa lagu Eedeeyey Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda dhallinyada iyo Ciyaaraha, waxana la sheegay inay lugta kula jiraan kala fogaanshaha xukuumadda iyo Beeshan ku kala dhex jira.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu in badan dhagaxa ka furaystay inuu wax ka qabto dhibka ka soo yeedhaya magaalada Burco oo xaasaasi u ah dhinaca Nabadgelyada, waxana uu iska indho tiray khilaafyo badan oo Gobolkaas ka dhacay oo keenay dhimasho iyo waliba inay Bulshadu sii kala fogaato oo kala kala tafaraaruqdo.
Warar kale oo aanu Helnay ayaa sheegaya in Hoggaanka, waxgaradka iyo Cuqaasha Beesha Galbeedka Burco u soo jeediyeen Xubnaha kaga jira Xukuumadda Siilaanyo inay xilalka iska casilaan, iyadoo qaar ka mid ah wasiirrada Beeshaasi sheegeen inay arrintaas ka fikirayaan halkaa qaar kalena iska diideen.
Wali ma muuqato isku dayo lagu daaweynayo dhibka ka taagan Magaalada Burco, waxana Khilaafka iyo dhibka Halkaas ka jiraa Keenay inuu xilka iska dhiibo Guddoomiye Xamarji oo muddo Gobolkaas soo Hoggaaminayey.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo intii uu xilka madaxweynenimo hantiyey ay waddanka ka Abuurantay nacayb iyo is jiidjiidasho qabiil ku salaysani, waxana meelo badan oo waddanka ka mid sanadihii ugu dambeeyey lagu arkay dhaqamo cusub oo Beeluhu iskaga soo horjeedaan, waxana taas sababteeda dusha laga saaray Maamulka madaxweynaha oo aan wax aqoon ah u lahayn turxaanbixinta Arrimaha Noocan oo kale ah oo waddanka Halis gelin kara.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com