Nabsi iyo nabar jeceyl
Samiira waa agoon, waxay wax ka baran jirtay dugisiga agoomaha. Samiira waxay ka dhalatay qoys danyar ah. Waxay la dhallatay laba wiil. Samiira hooyadeed waxay miis jaad ku haysatay xaafad kamid ah xaafaddaha magaalada Djibouti. Khamiista iyo jimcaha hooyadeed ayay ka nasin jirtay miis ka jaadka, maadaama ay waxbarashada fasax ka tahay labadaa maalmood ee usbuuca ugu danbeeya. Miiskaa jaadka waxay isku barteen wiil magaciisu ay naanaystiisu ka weyn tahay “Gooshee.” Oo isaga laftiisu ahaa arday dhigta dugisiga-sare. Gooshee khamiista iyo Jimcaha ayuu Jaadka cuni jiray. Waxaanu jaadka ka iibsan jiray miiska Samiira hayso. Maalmihii hore haasaawahoodu kaftan guud ayuu ku koobnaa. Muddo kadib na intii waa la iskaga soo dhawaaday. Markuu Gooshee doonayo inuu qayilana waxuu Jaadka ku cunijiray meel aan ka dheerrayn halka Samiira fadhido. Intaa kadibna waxuu u soo guuray Samiira barbarkeeda.
Habeenkii marka ay Samiira rawaxaysana uu sii dhaweyn jiray. Wakhtigaas Gooshee waxuu ku jiray sannad kii sii ugu danbeeyay dugsiga sare, waxaanu isku diyaarinayay inuu galo kullayadda tababarka macalimiinta. Markuu dugsigii sare ka baxay, waxuu markiiba ku biiray kulliyaddii tababarka macalimiinta, muddo markuu dhiganayayna waxaa loo diray (Layli macalinnimo, teacher training) isagoo tababarkaa ku soo qaadannayay gobal ka mida gobalada ku yaalla cidhifka xadka Djibouti iyo Eretria ay wadaagaan. Macalimiinta cusub intay tababarka ku jirtaan mushahar kooda lama siin jirin muddo lix bilood ah markay dhammaystaan ayaa la isku raacin jiray 6 bilood lacagtood. Muddadii uu tababarku u socday Gooshee waxay Samiira khamiis kasta u diri jirtay $20 si uu ugu iibsado waxuu u baahan yahay. Samiira adduun badan ma haysan ee waxay u urrurin jirtay nusasaacaha loo siiyo waxbarashada. Gooshee muddadii uu tababarku u socday muu darreemin wax baahi ah, qoyska uu ka dhashayna may ahayn qaar awoodda inay wax u diraan marka laga yimaaddo wax kale oo dhan, xitaa saabuunta uu ku maydhannayo waxaa u diri jirtay Samiira.
Gooshee markii uu soo dhammaystay Layligii macalinnimo, waxaa lagu soo celiyay magaalo madaxdii (Djibouti) mushaharkiisiina oo lixda bilood na waa la isku raaciyay hal mar. Gooshee markuu magaalada yimid, waxuu halkii ka sii bilaabay xidhiidhkii jeceyl ee ka dhaxeeyay isaga iyo Samiira. Gooshee haddii uu magaalada ka shaqaynayay muddo dhan sannad ee mushaharkiina loo kordhiyay ayay Samiira la soo hadal qaaday arrin guur, waxaanay ku tidhi; Waad ogtahay xidhiidhkeennu inuu in badan soo jiitamay, waxa kale oo aad ogayd garabkii aan ku siiyay muddadii aad ku jirtay Layliga Macalinnimo. Sidaa darteed waxaa ila qurux badan inaad I soo doonto, si uu xidhiidhkeennu iskugu baddalo mid midho dhal ah. Waxaad intaa ku darsataa inaanan wax shuruud ah kugu xidhayn haba yaraatee!.
Gooshee: waa si wanaagsan walaal macaan in badanna waad ii samirtay ee hadana maadaama oo gurigaygii xaalad adag ama duruufo kakan oo maaliyeeddeed ku jiro, oo xitaa jiingadda kor saarran gurigaygu aanay celinayn roobka. Anna masuuliyad weyni iga saarran tahay, cid kale na aanay u maqnayn. Waxa kale oo aad Samiiraay ka war qabtaa in aan ahay reer curadkii ahay, la iga na rabo inaan xaafadda wax u qabto. Markaa waxaan kaa codsan lahaa inaan teena ka horreysiiyo tan xaafadda. Sannadka danbana Hadduu Allah yidhaahdo aan hawsheenna dhammeeyo oo aan ku soo doono.
Samiira: gurigiinu waa gurigayga ee raali baan ka ahay, inaad hawshiisa dhammayso. Samiira iyo Gooshee haasaawahoodii sidaa ayuu ugu socoday. Sannadkii ballankuna si lama filaan ah ayuu u dhammaaday.Waxaana la soo gaadhay ballankii ahaa inuu Gooshee soo doono Samiira. Habeen dhan baa la isla qorshaynayay hawshaa oo xisaabinta kharashka meherka baxaya, waxuu qaatay wakhti badan, ilaa uu waagu ugu baryay. Samiira waxay arrinta u sheegtay asaxaabteedii oo dhan iyo ehelkeedii iyadoo aad ugu faraxsan Meherka. Dhammaan qoyska Samiira ka dhalatay way diyaar garoobeen.
Maanta oo kale waa Arbaca, gu’gu waa 2000. Waxuu ballanku ahaa inuu khamiista soo doono Samiira, arrintii oo sidaa loo og yahay ayaa iska badashay dhinaca Gooshee, waxaana soo baxday khiymaayo uu Gooshee sannadkii ugu danbeeyay ba qarsanayay oo ahayd inuu Gooshee la sheekayso gabadh kala oo la yidhaah Ubax, labadabana waxuu u sheegay inuu soo doonayo maaiinta khamiista. Laakiin Gooshee waxuu si xad dhaafa u jeclaa Ubax, walow Samiira abaal badan u gashay. Halka Samiirana ay aad ka u jeclayd Gooshee. Sheekaduna waxay ahayd, naftaydu nafbay rabtaa, naftuna nafkalay rabtaa iyo Naftaadoo naf jecel, naftii jecel nasiibkeeda seed u aragtaa?!
markii ay gaadhay habeenkii khamiista ee subaxa oo kale ballankii meherku yahay, ayuu Gooshee soo maray meel ku beegan guriga Samiira ku nooshahay, waxuu ka weecday waddadii iftiinka ahayd, waxaanu maray waddo madow oo luuq-luuq ah isagoo is leh Samiira ayaa halkaa kaa soo arki doonta. Waayo guriga Samiira degan tahay wuxuu ku qummanaa jidkan weyn ee iftiinka ah. Habeenkaa in yar ka hor waxaa da’ay roob oo dhulku wuu sii qoyanaa. Gooshee waxuu xidhnaa kabo sandal ah iyo macawis. Markuu ka dhammaan rabo waddadii madoobayd ayay kabi la siibatay, waxaana muday “musbaar daxalaystay” oo intuu cagtiisa midig halka hoosta ka soo galay dhinaca sare uga baxay. Qayladii Gooshee baxday waxaa ku soo baxay dadkii jaarka oo dumar iyo carruur u badnaa, in yar ka dibna waabu joojiyay qayladii oo jidhkiisoo dhan ayaa garriiray.
Yaab iyo ammakaag ayay ku noqotay haweenkii iyo carruurtii u soo gurmaday Gooshee. Waxay ka fikireen in middi la galiyay oo tuug dishay, waayo dhiig badan ayay arkaan. Rag dariiqa marayay ayay qalyo dhaan u dirteen si bal iftiinka luugu qaado dhaawaca in la aqoonsado wajigiisa ka dibna ehelkiisa loola xidhiidho. Markii iftiinkii la hoos keenay waxaa soo baxday in musbaar muday, imikana uu ku jiro oo uu aad u dhiig baxayo. waxaanay ula hadleen taxi oo waxay geeyeen dhakhtarka. tilifoonkii ugu horreeyay ee u soo dhaca Gooshee intay la hadleen ayay u sheegeen sida ay wax ugu dheceen iyo inuu hadda dhakhtarka yaallo oo loo baahan yahay waalidkii ama cid ugu dhaw. Waxaa lagu muday irbaddii daxalka dhakhtarkuna waxuu sheegay in laga yaabo inuu daxalku ku sii fido lugta oo dhanna la jaro,……………………. ………………….
Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Sheeko taxanne ah, ciwaanka; Somaliland_author@yahoo.com