Nabadoon caan ah oo maanta lagu dhaawacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose
Kismaayo Jan 01 2012 (SDN)- Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in maanta Nabadoon caan ah ay ku dhaawaceen Magaalada Kismaayo.
Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta dhawacay Nabadoon caan ah oo ku sugnaa Magaaladaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Warqaad.com in kooxo bastoolado ku hubeysan ay maanta ku dhaawaceen Nabadoon Cabdulaahi Xaafad ku taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Kooxihii dhawcay Nabadoon Cabadulaahi ayaa la tilmamaay in ay ka baxsadeen goobta falku uu ka dhacay waxaana la sheegay in Nabadoonka loo lacararay Isbital kuyaalla Magaalada Kismaayo.
Macada sababab ka danbeeyay dilka Nabadoonkan laakiin waxa uu imaanayaa xilli maalmo ka hor Magaaladaasi dhawac loogu geystay Guddoomiyihii Odoyaasha Beesha Sade uu ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho.
SDN-Kismaayo