|

Nabad sugida oo dalbatay in aan laga been abuuran.

Muqdosho May 20, 2013(SDN)-Agaasimaha hay,ada nabad sugida Bashir Maxamed Salad ayaa sheegay in shacabka Somalia looga bahan yahay in ay taageeraan nabad kusoo dabaalida wadanka Somalia.

Waqti uu la hadlaayay warbaahinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in hay,ada aan laga been abuurin kadib wixii ka daneyay wararkii lagu sheegay in nabad sugida ay is hor istaag ku sameeysay xilibaano ku kulan sanaa mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Waxa uu dalbaday Bashiir in ay kaga baahan yihiin shacabka Somalia in nabad sugida gacan lagu siiyo amaanka Somalia iyo in la joogto wada shaqeenta kala dhexeysa.

Horey ayaa waxa u jiray warar lagu shegay in nabad sugida ay joojiyeen kulan koox xilibaano ah ay ku laahyen mid kamid ah hoteeladamagaalada Muqdisho.

Comments are closed