Nabad Sugida Bay oo gacanta ku soo dhigtay dad lala xiriirinayo dalal ka dhacay gobolkaasi
Baydhabo Dec 09, 2012 (SDN)—Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo dad shacab ah halkaasi lagu tooganaye ayaa masuuliyiinta ciidanka Nabadsugida Gobalkaasi waxa ay sheegeen inay soo qab qabteen dad lala xiriirinayo inay ka dambeeyaan dilalkaasi.
Taliyaha ciidamada Nabadsugida Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay Shiine Barre Isaaq oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen rag badan.
Wuxuu sheegay in raga wata Biskooladaha ee dadka dilalka kala duwan ugeesta ay qaarkood gacanta kusoo dhigeen ciidanka Nabadsugida ee Gobalka islamarkaana iminka lagu haayo saldhiga Magaalada.
Baaritaano la xiriira dhanka su’aalaha ah ayuu sheegay inay wadaan oo ay weydiinayaan dhalinyarada lasoo qab qabtay hadii dambiyo lagu helana ayuu sheegay in tallaabo laga qaadi doono hadii lagu waayana la iska sii deyn doono.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa howlgalo kala duwan ka sameeya Gobalkaasi xilliyada ay dhacaan dilalka qorsheysan.
SDN-Baydhabo