Naadiga Akhristayaasha Berbera oo Afar Jirsaday iyo Munaasibad loo qabtay.
Hargaysa 11.Jan.(SDN)
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera oo uu Weheliyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil,Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay Sanad Guuradii Afaraad ee ka soo Wareegtay markii la aasaasay naadiga Akhristayaasha ee Magaalada Berbera,taas oo lagu qabtay Xarunta Jaamacada Culuunta Bada ee Berbera .
Waxaa Munaasibadaas hadal ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi oo ku bogaadiyay dhalinyaradii hindistay fikirkan lagu aasaasay naadiga wax akhriska ee Berbera, isla markaana sheegay inay bulshada inteeda kale fahamsiin karaan kasbashada aqoonta.
Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cashuur Cidin). Ayaa balan qaaday in Golaha deegaanka ee uu gadhwadeenka u yahay ay bixinayaan dhulkii laga samayn lahaa Maktabad ummada ka wada dhaxaysa,waxaa kale oo uu Maayarka Magaalada Berbera cadeeyay inay u Qorshaysan tahay sidii ay hawl gal balaadhan oo nadaafadeed uga fulin lahaayeen Magaalada Berbera isagoo mahadnaq u diray aqoon yahan Jaamac Muuse Jaamac oo dalka ka sameeyay fikirka ah Jaamacada Wareegta .
Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Xubno ka mid ah Naadiga Akhristayaasha ee magaalada Berbera.
Hargaysa SDN