Mwai Kibaki oo sheegay in weerarada Kenya ka soo dhaca laga soo abaabulo Somaliya
Nairobi SDN 21 2012 (SDN)— Madaxwayanaha dalka kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dalka kenya ay ka dhaceen weeraro argagixiso oo laga soo maleegay dalka soomaaliya kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan ururka Alshabab oo xiriir la leh urur waynaha Al-Qaacida.
Mwai Kibaki ayaa sheegay inay sii wado doonaan ilaalinta muwaadiniinta kenyaanka ah iyo sidii qataraha ka imaanaya Alshabab looga difaaci lahaa dalka Kenya waxaan uu carabka ku sii adkeeyay inay la dagaalami doonan Alshabab ee ka jira dalka soomaaliya.
“ waa masuuliyada Dawlada inay amaanka xaqiijiso oo ay ka hor tagto qataraha ka imaan kara dibada iyo gudahaba” waxa yiri Mwai Kibaki.
Madaxka ugu saraysa dalka Kenya ayaa waxay marar badan ay sheegeen in weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya laga soo maleego gudaha dalka soomaaliya.
SDN-Nairobi