|

Muxuu yahay xeerka sad-buriska ah ee Baarlamanka Somaliland diideen

Baarlamanka Somaliland ayaa maanta isku raacay in dib loo curiyo xeer 23/2019 oo deegaanada qaar u sad burinaya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa keenay mooshin lagu diidan yahay dhaqan galka xeerkaas oo aan cadaalad iyo sinnaan midna ahayn, waxaana gacanta u taagay aqlabiyadda baarlamanka.

Sharci cusub ayay unki doonaan Golaha Wakiiladu, kaas oo la filayo in uu bedelo xeerka muranka ka dhex dhaliyay Somaliland.

MUXUU YAHAY XEERKA DIB LOO CURINAYO

Xeer lm 23/2019 waa xeer ogolaanaya in deegaanada Gabiley iyo Berbera ay helaan kab cashuureed oo aan ahayn cashuurta ay soo xareeyaan deegaanadaasi.

Dawladda dhexe ayaa ku celisa Berbera $12.4 million, halka Gabiley ay ku celiso $4.9 million.

Waxa xusid mudan in caasimadda Hargeysa lagu celiyo $1.7 million, halka Burco ay hesho $1.4 million.

Xeerkan ayaa ahaa mid aan ka turjumahayn baahiyaha deegaanada iyadoo cashuurta laga qaado deegaanada kale la siiyo Gabiley iyo Berbera.

Comments are closed