Muxuu Ogyahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aaney Somaliland iyo Soomaaliyaba ogeyn?
Ottawa April 10,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Intii uu xilka la wareegay waxa uu si aan leex leexad laheyn maalinba maalinta ka danbeysa ugu sii dhiiranayay “wadahadal”dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.
Suaashuse waxa ay tahay maxaa isbedelay oo soo dedejiyay isbedelkan furfuray haykalkii dawladeed ee dalku mudada dheer ku soo dhabar jabay dhisidiisa?
Waxa qudha ee isbedelay waxa la odhan karaa waa fursadaha Aduun ee ka jira Soomaaliya ee dadka ugu dhawdhaw madaxweynaha ay quudareynayaan.
Sida laga warhayo ku xeedhaneyaasha Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ay ka kooban yihiin xil doon iyo Xamar doon,oo mararka qaar labadu ay isku mid yihiin.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa hawshan guddo galay xiligii uu Mucaaridka ahaa.
Hadii aan u soo noqdo suaasha ku xardhan ciwaanka Faaladan,Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa og sida caalamku haatan ugu heelan yahay in Soomaaliya wax lala qabto.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la socdaa oo dhegta loogu qabtay in Caalamku ka soo taagan yahay siyaasiyiinta iyo degaanka Koonfurta.
Tani waxa ay tahay sababta ugu weyn ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku xisaabtamayo,si uu u hanto kursiga ka aduunka roon ka haatan uu ku fadhiyo.
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Wax badso wax beel ayay leedahay”.
SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com