Muxuu Madaxweynaha Somaliland uga aamusan yahay qalalaasaha dalka ka taagan?
Hargeysa Dec 29,2013(SDN)-Somaliland ayaa waxa bilihii u danbeeyay ka jiray xaalado isa soo terayay oo siyaasiyan iyo nolol ahaanba u saameynayay guud ahaan bulsheada.
Sida caadiyan lagu yaqaano hogaanka umaddeed ayaa xiliyada noocan oo kale ah waxa laga fishaa hadal uu k soo bandhigo xalka amuuraha dadkiisa soo wejaha.
Somaliland bilihii ina dhaafay waxa ay si hogaan la’aan ah u wejahday xaalado ay uga bixi kareyso uun in hogaanka dalku si dhab ah u wejaho marxalada jirta.
Waxa guuldaro lagala kulmay wadahadaladii aan xiligooda la joogin ee ay xukuumadu dabada ka waday ee Soomaaliya ay la gashay.
Xisbigii madaxweynuhu aasaasay ee Kulmiye ayaa mudo sanada haatan ku dhiiran qabashada shirweynihiisii khilaaf madaxweynuhu ku daawaday awgeed.
Waxa dalku galay khalkhal siyaasadeed oo ka dhashay dood Qaran oo axsaabata iyo siyaasiyiin dalka abaal ku lihi ay soo jeediyeen.
Waxa muran hareeyay gollaha wakiilada dalka oo hogaankiisu ku murmay guddi hoosaadyada gollahaas.
Qeybo ka mid ah dalka ayaa waxa dagaalo ku dhexmareen kooxo lidi ku ah jiritaanka Somaliland.
Waxa isu soo baxyo rabshada wataahi ka dheceen gobollada dalka sida Togdheer iyo Saaxil.
Hadii intaas oo idil aad uga garawdo Madaxweynaha dalku inaanu ka hadal, waxa caasimada dalka maalmihii u danbeeyay ka taagnaa xasiilooni daro ka dhalatay canshuur kordhin lagu sameeyay biyaha.
Waxa markaa ruuxu isweydiinayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo inta ku xeerani ma waxa ay talo ku gaareen burburka dalka.
Mise waxa jira waxyaabe kale oo aynaan la socon oo ka hortaagan madaxweynaha in uu ka hadlo ama xal u helo caqabadaha jira.
Jawaabtu waxa ay ku soo urureysaa in labada arrimood ee dusha ku xusani ay isu baheysteen madaxweynaha.
Shakhsi aad ugu dhaw madaxtooyada Somaliland ayaa beri laga soo xigtay in uu yiri sirta ugu weyn ee dalku waxa weeye xaalada caafimaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Taa waxa weheliya in ashqaas ay marwada madaxweynuhu u horeyso in ay arinkan u arkeen in ay ku heleen awood aaney si kale ku hanteen.
Dhawaana waxa si kalsooni ku dheehan tahay noo soo gaadhay(qurbejoog.com) in awooda ku xeeraneyaasha madaxtooyada Somaliland la isugu geeyay sidii madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu u ogaan lahayn dhabta dalka ka jirta.
Goaankan ayaa la gaaray ka dib kolkii tiraba dhawr jeer madaxweynaha uu iska iloobay arrimo daqiiqado ka hor loo sheegay.
Qoyska madaxweynaha ayaa deeto ku tilaabsaday in awooda dalka ay iyagu qeybsadaan iskuna koobaan,sidaana mudada xilka madaxweynuhu ku dhamaato.
Hadaba ayaan daradu waxa ay tahay in ku-xeeraneyaasha madaxweynuhu aaney laheyn aqoon maamul iyo Wadaniyad bedelkedd ka gasha oo ay dhabarka saaraan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com