|

Muxuu ku Yidhi Wasiir Cukuse Curdin-dhadhinta ay Xukuumaddiisu ku Hayso Xorriyatul-qawlka?

London:May,19,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo haatan ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa ka         hadlay Hab-dhaqanka  xukuumaddiisu kula dhaqanto saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka ka jirta.

cukWasiir Cukuse oo la Hadlayey Idaacadda VOA-da, ayaa ku Andacooday inay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Saxaafadda Madaxa Bannaan, isagoo iska indho tiray Tallaabooyinka qallafsan ee xukuumadda uu wasiirka warfaafinta u yahay ay ku qaaddo saxaafadda Madaxa Bannaan, iyadoo Haatan ay Hay’ado warbaahineed oo sharci ahi taariikhda Markii ugu horraysay u xidhan xukumuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Cukuse ayaa sida caadada u ah mar su’aalo laga weydiiyey dhibaatada ay xukuumaddiisu ku hayso xorriyatul-qawlka  sheegay inuu Ogol yahay in xeerka saxaafadda Somaliland uu shaqeeyo, isagoo iska diiday inuu qiro in xukuumaddu caddaadis saarto saxaafadda Madaxa bannaan ee Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrimaha la xisaabtanka Saxaafadda Dembiga lagu haysto ay u daayeen dhinaca Garsoorka, isagoo diiday in garsoorku u xagliyo dhinaca Xukuumadda.

Waxa uu Ka Meeraystay inuu si cad u sheego inay sharci darro tahay in meherado liisamo sharci leh loo Beddelo xarumo ciidan, Muddu ku dhaw sanadna ay Ciidamada Booliska ka dhigtaan  xarumo ay iska degaan,  iyagoo aan wax sharciyad ah haysanin.

Waxa uu wasiir cukuse Difaacay Xadhiga ay masuuliyiinta Wargeyska Haatuf u geysatay Xukuumadda uu ka tirsan yahay, isagoo sheegay inay Dambi ku soo oogeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka ayaa qiray in shirweynihii dhawaan soo Gebogeboobay ee Xisbiga Kulmiye uu ahaa mid hab qabyaaladaysan wax lagu soo xulay, balse aanay taas xukuumad ahaan ku faraxsanayn,

“shirkii Kulmiye saamayn bay ku lahayd qabyaaladdu ergooyinkii la xulayey,  mana aha wax aanu annaguba jeclaysanayno, taasna markhaati baan kaaga furayaa, waana raadadka ay qabyaaladdu inagaga tagtay.”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse ayaa Haatan ku sugan Dalka Ingiriiska, isagoo jaaliyadda reer Somaliland ee Carrigaas ku nool kala qayb gelaya  damaashaadka iyo dabaal-degga Munaasibadda 18-ka may oo dalka iyo  Dibaddiisaba laga xusayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed