|

Muxuu Daaran yahay Kulan Addis ababa ku dhexmaray Maanta Madaxweynihii Hore ee Puntland iyo Wasiirka Khaarajiga Itoobiya SAWIRO?

Addis Ababa 22.March 2014 (SDN)-Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta Addis ababa kula shiray wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Mr.Tedros Adhanom.

farFarole iyo Adhanom ayaa ka wada hadlay xaalada Somalia gaar ahaan Puntland oo uu shantii sano ee ugu danbeeyay soo mamulayay wuxuna wasiirka arrimaha dibada Farole uga mahad celiyay kaalintii uu ka qaaday sidii wadanka marxalada KMG-nimadda looga saari lahaa.

Sidoo kale Tedros Adhanom ayaa u muujiyay madaxwaynihii hore inuu guulo wax ku ool ah usoo hoyay shacabka Soomaaliyeed ee Puntland sida in mamulka iyo shacabku wada shaqeeyaan oo ay hormarka iyo ammaanka la iska kaashado.

Madaxwaynihii hore ee Puntland CabdiRaxmaan Farole ayaa shantii sano ee uu madaxwayne ka ahaa Puntland gaar siiyay heer wanaagsan oo beesha caalamku ammaantay.

Arrimaha xusida mudan ayaa ah marti galinta Garowe 1 iyo 2 iyo in si joogta ah uu cadaadis ugu saaray madaxdii hore ee Somalia in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo dastuurka KMG ah ee hadda wax laga badalay.

Farole ayaa sheegay Somalia inay soo hagaagayso xaaladeeda loona baahan yahay shacabku inay xili kasta isku duubni iyo wax wada qabsi muujiyaan.

Waxa uu madaxda DF ee xafiiska joogta ku dhaliilay inaysan waxba ka qaban isdabo marin iyo wax ka badalka lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee horay loogu heshiiyay iyo in laga leexday nidaamka federaalka oo ah kan kaliya ee umadda Soomaaliyeed iskugu imaan karto.

Socdaalka Itoobiya ee Farole waxaa ku weheliya wasiirkii hore ee Amniga Khaliif Ciise Mudane,wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan.

 

5_595_584_604_593_613_603_602_632_64

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed