|

Muwaadintii Reer Britain Oo Bilaabay Inay Xamaaamtooda ka Urursadaan Dalka Kenya

Nairobi:May,17,2014(SDN/QJ)-Ugu Yaraan 400 oo dalxiisayaal Britain ah ayaa laga daad gureeyay dalka Kenya, tan  iyo Markii ay Dawladda Ingiriisku Digniint Dhinaca Ammaanka ah ka soo Saartay Magaalooyinka Mombassa iyo  Nairobi.

alaeXafiiska Arrimaha dibada ee dowlada Britain ayaa arbacadii soo saaray digniin ku aadan in muwaadiniintaasi aanay u safrin magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ay shalay Nairobi ay ka dhaceen qaraxyo dhimasho sababay.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Uk ayaa lagu sheegay in natiijada kasoo baxday digniintii ay jeediyeen ay tahay in muwaadiniin Ingiriiska ah laga joojiyo duulimaadyadii ay magaalooyin kale ku aadi lahaayeen dibna looga daad-gureeyo dalka Kenya.

 

”Qaar kamid ah guryahooda ayay gaadheen, gaar subaxdii ayaa la rajeynayaa halka kuwa kale ilaa Isniinta aan sugeyno”sidaasi ayaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowlada Uk.

 

Dowladaha Australia iyo France ayaa sidoo kale dhankooda soo saaray digniin ay siinayaan muwaadiniintooda ku sugan Kenya.

Tallaabadan ay Muwaadintiinta Reer Galbeedku kaga Baxayaan Dalka Kenya ayaa dhirbaaxo weyn ku ah dhaqaalaheeda iyo Waliba Xasiloonideeda, waxana Sii Kordhaya Cabsida ay qabaan Mawaadintiinta iyo Dawladda Kenya.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed