|

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Suudaan

kkkkkkkkkJubba,9july,2015(QJ/SDN)-Wararka laga helayo dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in dalkaasi lagu dilay labo muwaadiniin Soomaali ah. Labada Soomaalida ah ee la dilay waxaa la sheegay inay ahaayen darawalo kuwasoo u shaqeynayay Shirkadda Shidaalka ee Dalbit International.

Labadaasi muwaadin ayaa waxaa la weeraray iyagoo waday gawaarida Booyadlayaasha ee shidaalka, waxa ayna kusii jeeden Gobalka Baxarul-qasaal.

Rag hubeysan ayaa rasaas ku furey labada nin ee Soomaalida ah xili ay mareeyeen Magaalladda Rumbek oo ah Xarunta Gobalka Harooyinka ee dalkaasi Koonfurta Sudan.

Ganacsade Muuse Khaalid oo ku sugan magaalladda Rumbek ayaa sheegay inay kooxo hubeysan tacshiirad ku fureen Dareewaladaasi oo waday gaadiid shidaal.

Isagoo la hadlayey Wargeyska ST ayaa waxa uu sheegay in weeraradaasi lagu dilay shan qof oo kala ah: 2 Dareewal oo Somali ah, Ganacsade u dhashay Uganda iyo nin u dhashay dalka Koonfurta Sudan.

Xaalada amni ee dalka Koonfurta sudan ayaa aad u liita wuxuuna ka mid yahay dalalka ay dagaalada ahliga ah ka socdaan.

Comments are closed