Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku geeriyootay Duqeyn ka dhacday dalka Yemen.
Sanca,6july,2015(QJ/SDN)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya dalka Yemen, dad Somaliyed ayaa ku geeriyooday Duqeymaha diyaaradaha Isbaheysiga Sacuudiga ay ku garaacayaan dalka Yemen, gaar ahaan deeganada ay joogaan Xoogaga Xuutiyiinta.
24-saac ee lasoo dhaafay ayaa lasoo wariyay in Duqeyn ka dhacday Dalka Yemen ay ku dhinteen dad Somaliyed oo ka mid ah Somalida ku go’doonsan dalka Yemen.
Gantaal ayaa la sheegay in uu ku dhacay guri ay ku sugnaayeen muwaadiniin badan oo Somaliyeed, waxaana halkaasi ku dhintay Lix qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ka bad-baaday.
“Dadka Soomaaliyeed ee dhintay Hal guri ayeey ku sugnaayeen, waxaa ku dhacay Gantaal, waxaana meesha ku dhimatay Lix qof, kuwo kale ayaa dhaawac ah.” Ayuu yidhi qof ka mid ah Somalida dalka Yemen ku sugan.
Xuseen Xaaji Axmed oo ah Qunsul ku xigeenka Safaarada Somalia ee dalka Yemen ayaa dhankiisa sheegay inay jiraan dhibaatada Somalida soo gaartay, waxaana uu sheegay in xaafada Qaloocan ee dalka Yemen ay ku dhinteen labo ruux oo Somalia ah.
Iyadoo uu socdo gurmadka dadka Somalida loo sameynaayo si loo soo samatabixiyo, ayaa dhinaca kale dadka waxa ay yihiin kuwa dhibaatooyinka ay kasoo gaarayaan Duqeymaha diyaaradaha dalka Sacuudiga.