|

Muwaadin Turki ah Oo Ka Mid Noqday Dadkii Xalay Lagu Laayey Qaraxii Djibouti Ka Dhacay

Ankara:May,25,2014(SDN/QJ)-Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in Muwaadin dalkeeda u dhashay uu ka mid ahaa Dadki Habeenkii xalay ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Makhaayadda ku Taalla Dalka Djibouti.

turikSafiirka dowlada Turkiga ee Jabuuti Xasan Yavuz, ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee dalkaasi in muwaadinta lagu magacaabo Rü’tü Gürbüz, kaasi oo la shaqeynayay shirkad Turki ah oo ka howlgasha dalkaasi uu ku dhintay Qaraxii  xalay.

 

Safaarada ayaa sheegtay in muwaadinkaasi uu u geeriyooday dhaawac soo gaadhay, waxaana ay sheegeen inay ku dadaalayaan sidii dalkiisa dib loogu celin lahaa, si halkaasi loogu aaso.

 

Diblumaasiyiin ayaa sheegay in laba qarax  ay ka dhaceen banaanka makhaayada ku taala dalkaasi, waxaana la sheegay in laba shaqaalo lagu dilay goobta iyadoo ay ku dhaawacmeen inka badan 10 ruux, waxaana badankoodu ay ahaayeen ajaaniib.

 

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay wadaan baadhitaano ku aadan qaabkuu weerarka ku dhacay, iyadoo aan si dhab ah ilaa iyo hadda loo sheegin qaabka weerarka uu ku dhacay.

Ilaa iyo Hadda lama oga  cidda ka dambaysay Weerarkii ka dhacay Dalka Djibouti, waxana loo malaynayaa inay Kooxaha Al-shabaabku arrintaas ka dambeeyeen.

 

 

 

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed