Muuse Biixi oo xisbiyada mucaaradka wakhti u qabtay
Hargeysa. 10 September , 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay hadal ay dad badan qariibsadeen oo ku aadan xisbiyada imika jira iyo sharciga ay kusii jiri karaan wixii ka danbeeya bishan.
Muuse Biixi ayaa u yeedhiyay xisbiyada mucaaradka ah in ay sharciyadooda keenaan oo ay ku meel gaadh yihiin, isla markaana ay dhici doonaan hadii aanay keenin sharciyada laga rabo oo aanay isu diwaan galin doorashada ururada.
“Saacadaa aanu joogno waxaanu nahay xisbiyo kumeel gaadh ah, saddexda xisbi waxa laga rabaa bishan aynu ku jirno 28-keeda in ay keenaan sharciyadoodii oo dhan, dhismahoodii, guddidii fulinta, golihii dhexe, xeerka ay ku kala baxaan. Xisbigii keeni waayaa halkaasuu ku hadhayaa, sidii xisbigii UDUB waana sharci” ayuu yidhi Muse Biixi.
Hadalkan ayuu ka sheegay maanta isaga oo ka qayb galayay munaasibad ay ku qalin jabinayeen arday dhammaysatay Jaamacadda Timacade ee Gabiley.
Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in hadalka madaxweynuhu uu dabka kusii hurinayo khilaafka laga cabsi qabo in uu dagaal isu bedelo ee Somaliland ka jira.