Muuse Biixi Oo Wali Gucle Ugu Jira Sidii Uu Taageerayaal ugu Yeelan Lahaa Guddida Fulinta Xisbigiisa iyo Garabk Kasoo Horjeeda Oo Dusha Kala Socda
Hargeysa:Aug,04,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa orod iyo gucle badan ugu jira sidii uu xubno isaga taageersan ugu dhexyeellan lahaa Guddida fulinta ee xisbiga ooh ore ay u soo xuleen garabka Isaga kasoo horjeedaa oo ka buuxiyey xubno iyaga taageerayaal u ah.
Mudane Muuse Biixi oo dhawaan dhirbaaxo siyaasadeed oo hoos u dhaadhicisay kala kulmay garabka xukuumadda ee ay iska soo horjeedaan, ayaa maalmahan ku hawllan tallaabooyin uu damaciisa kaga midho dhalin lahaa, isagoo kulamo hoose la leh waxgarad iyo odayaal uu bidayo inay arrintiisa dhexdhexaad ka noqon karaan iyo qaar uu u haysto inay dhinaca madaxdweynaha ku qancin karaan inay saamiga muuse bannaanka dhigaan si xasilloonada haatan jirtaa u noqoto mid waarta.
Waxa uu muuse dhawaanahan ku hawllan yahay fadhiyo qarsoodi ah oo uu la leeyahay Guddoomiyaha guurtida oo isagu ah ninka kaliya ee Madaxweyne Siilaanyo arrimaha noocan oo kale ah hordhigi kara, isla-markaana uu u haysto inaanu marlabaad gar eexo niqi doonin maadaama oo uu hore dhinaca madaxweynaha u eexday xilligii muranku taagnaa.
Inkastoo aanay natiijo la taaban karaa wali ka soo bixin dedaalada uu muuse wado iyo kulanka uu la qaatay Guddoomiye saleebaan Maxamuud Aadan, Haddana waxa la sheegayaan inuu guddoomiyuhu u ballan qaaday inuu ku dedaali doono inuu muuse la baadi doonayo wixii ka maqan ee uu tabanayo si uu u bogsiiyo boogta nabarradii muuse hore uga gaadhay gartii uu saleebaan hore ugu dhiibtay.
Kulamo kale oo isla ujeeddadoodu tahay sidii xubno uu uga heli laha Guddida fulinta ayuu muuse la qaatay ganacsatadii isaga hore ugu qancisay inuu tanaasul sameeyo, kuwaas oo iyaguna u ballan qaaday inay madaxweynaha arrintaas kusoo qancin doonaan, balse aanay si buuxda ugu ballan qaadi Karin inay sida uu doonayo u keeni doonin.
Muuse biixi oo sida muuqata haatan lumiyey taageerayaashiisii hore ugu muujiyey kalsoonida, ayaa haatan doonaya wixii uu naftiisa iyo inta yare e gacantiisa ku hadhsan u qancin lahaa, waxana ka go’an inuu ugu yaraan ku tuntuunsado tiro kooban oo guddida fulinta uu ku dhexyeesho.
Arrinta xajiibka ah ama xiisaha leh ayaa ah inuu Guddoomiye Muuse Biixi maanta yahay Guddoomiye Baryootamaya ama meelo kale ugu martitegaya talada xisbigiisa, iyadoo taasina markhaati ka ah inaanu muuse Biixi maanta wax awood ah oo dhaafsiisan xilka uu hayo ku dhex lahayn xisbiga dhexdiisa.
Dhinaca kale Garabka xukuumadda ee ay guddoomiyaha is hayaan, ayaa iyagu libin-geeraar ku jira, isla-markaana si dhaw ula socda tallaabooyinka caal-waanimada ah ee uu sida jar-iska-xoornimada ah ugu tegayo dadka xisbiga dibadda dibadda ka ah.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com