Muuse Biixi oo talo ay kusoo ururtay kadib warkii Beesha Caalamka iyo qorshahiisa
Hargeysa. 8 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa wajahaya culays xoogan iyo khamaar siyaasadeed oo hadii uu ka badheedho damaciisa ku keeni karta go’doon caalami ah.
War kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa Muuse Biixi ku noqday laf dhuun gashay iyadoo uu raadinayo dhabe uu kaga baxsado shaambadaha badan ee doorasho diidka ah ee ku dhacay, iyo damaciisa doorasho ururo oo Somaliland laga qabto iyada oo xeer lagu qabto aanu jirin.
Beesha Caalamku waxay u sheegtay Biixi in ay aqbalayaan oo kaliya go’aan la isku waafaqsan yahay iyo hanaan loo dhan yahay, iyadoo aan la aqbali doonin go’aan hal dhinac ah.
MUXUU YAHAY QORSHAHA MUUSE BIIXI
Tan iyo billawga sanadkan 2022, Muuse Biixi wuxuu lahaa hal hadaf oo aanu marna ka leexan kaas oo ahaa in muran dalka ka bilaabmo kadib ka gaadho bisha December isla markaana ay xisbiyada imika jira liisanku ka dhaco, isaguna uu heli muddo kordhin.
Qorshaha Muuse Biixi ayaa illaa haatan sidiisa u socda balse wuxuu wajahayaa caqabad ah habka uu u qabanayo doorasho ururo oo aan xeer lahayn heshiisna lagu ahayn, iyo muddo kordhintiisa oo aan weli la isla qaadan.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in qorshaha Biixi uu god madaw ku ridayo Somaliland dimuqraadi ah oo dadku ay wax doortaan isla markaana xasiloon.