Muuse Biixi oo sii wada ka beensheegida Doorashooyinka Somaliland
Hargeysa April 16, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Somaliland ee bilaa sharciga iyo kalsoonida xilka ku sii haya, Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar uu u waramayay France 24 sheegay inuu diyaariyay miisaaniyadii doorashada, isagoo dhinaca kalena ku adkaystay inaanu muddo kordhin ku sii fadhin doonin xilka.
Madaxweynaha oo uga waramayay Telefishanka France 24 arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxa uu ka been abuurtay in 10 milyan oo dollar ay xukuumadiisu u qoondaysay doorashooyinka sanadkan, isla markaana la ansixiyay miisaaniyada, isagoo meesha ka saaray eedaymaha kalitalisnimada ah.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in kaliya in ay awood u leeyihiin qabashada doorashada madaxweynaha ee dib loo dhigay, waxaana marag ma doonto ah in madaxweynaha aanu ku raacsaneyn arinkaa, iska daa in loo qoondeeyo dhaqaalaha loo baahan yahay doorashada.
Go’aanka uu madaxweynuhu qaatay ee ah in la diwaan geliyo ururro ka daciifsan mucaaridka, halkii uu xisbiyadda dalka kula tartami lahaa doorashada madaxtooyada, ayaa keentay in dib loo dhigo doorashooyinka, kuwaas oo u qorshaysnaa inay qabsoomaan 13-ka November 2022, waxaana ka dhashay mudaharaado sababay dhimasho iyo dhaawac.
Arrinta doorashada ayaa ah mid aan weli xal laga gaarin, iyadoo dowladdu ay dooneyso in marka hore la qabto doorashada ururada, halka mucaaradkuna ay doonayaan in marka hore la qabto doorashada madaxtooyada.
Inkasta oo golaha guurtida Somaliland ay muddo laba sannadood ah u kordhiyeen madaxweynaha, haddana Biixi waxa uu dhawaan sheegay in uu labada doorasho qaban doono sannadka 2023-ka.
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sumcadii nabada Somaliland xumeeyay, kadib markii uu duqaymo ku dilay dad rayid ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taas oo la aaminsan yahay inay tahay isku day kale oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.