|

Muuse Biixi oo raadinaya god uu ka baxo iyo shir-qoolada miiska saaran

Hargeysa. 21 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa wada qorshayaashii ugu danbeeyay ee uu kaga hor tagayo xeerka ay ansixiyeen Baarlamanka Somaliland gaar ahaan Golaha Wakiilada oo kaabis iyo wax ka badal ku sameeyay Xeerka Ururada iyo doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaa imika dhawr ajande ama qorshe ay miiska u saaran yihiin waxaana ka mid ah in Golaha Guurtidu aanay ansixinin xeerka si aanu isaga usoo gaadhin, in khalkhal la galiyo Golaha Wakiilada si xeerku haduu usoo noqdo aan dib looga fikirin celiya ama kooram loo helin iyo in dhaqaale badan uu adeegsado si uu awood ugu muquuniyo mucaaradka.

Madaxweyne Biixi ayaa miiska saaraya adduun badan oo loo qaybin doono Xildhibaanada ay dad badani ku tilmaamaan in ay gaadheen da’da asaasaqa iyo caruurta kuraasta qaarkood dhaxashay ee Guurtida, iyadoo lacagtan looga Dan leeyahay in aanay ansixin xeerka Wakiilada ka yimi. Mucaaradka Somaliland ayaa iyagana la sheegay in ay lacago ku bixin doonaan meel marinta xeerkaas.

Qodobka kale ee qaska Golaha Wakiilada ayaa isaga la sheegay in uu adkaan doono maadaama ay Xildhibaanada kale halis galinayaan kursiga madaxweynaha oo ay mooshin ka keenayaan.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Somaliland ayaa geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaya sidii labada xisbi ee UCID iyo Waddani looga saari lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland.

Comments are closed